|
|||||
WAJAALE NEWS
Muxuu Trump u soo gaabiyay khudbaddiisii maalin laha ee coronavirus?
April 25, 2020 - Written by Wariye:Saddex gobol oo ka mid ah gobollada Mareykanka ayaa ogolaaday in dib loo furo qaar ka mid ah dukaamada kaddib xayiraadaha fayraska Corona iyadoona tirada dhimashada dalkaasi ay kor u dhaaftay 51,000 oo qof. Gobolka Georgia ayaa ogolaaneya in dib loo furo waxa uu ku tilmaamay ganacsiyada khatarahooda yar-yihiin sida goobaha lagu jimicsado iyo kuwa la isku qurxiyo, halka gobolka Oklahoma-na uu khafiinyao xayiraadihii saarnaa ganacsiyada sida rayslaha iyo goobaha ay dumarka isku quruxiyaan ee saaluunka loo yaqaan. Gobolka Alaska ayaa isaga qaaday xayiraadihii saarnaa maqaayadaha. Waxaa jiray tallaabboyin la mid ah kuwaasi oo ay qaadeen gobollada koonfurta ee ay maamulaan xisbiga Republican-ka balse dadka wax dhaleeceeya ayaa su’aal geliyay xilliga la qaadayo tallaabooyinkaasi, iyagoo sheegay iney xilli hore tahay in la qaado xayiradaha isla markaana ka digay in dadka aysan kala fogaan doonin marka dib loo furo ganacsiyada. Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa soo gaabiyay khubaddiisii maalin-laha ee coronvirus isagoo diiday inuu ka jwaabo su’aalaha weriyeyaasha. Trump ayaa dhaleeceyn la kulmay ka dib markii uu soo jeediyay in dadka la xanuunsan Coronavirus lagu daweyn karo dawada jeermiska disha. Dhakhaatiirta, dadka soo saara dawayoonkaasi iyo qaar ka mid ah gobolada Mareykanka ayaa durbadiiba ka digay in haddii dadka qaba xanuunka Covid-19 lagu duro dawada jeermiska disha ay naftooda halis galeyso. Maxaa ka dhacaya 3-da gobol?Macaamiisha ayaa booqanaya goobaha ganacsiyada ee dib loo furay ee gobollada Georgia, Oklahoma iyo Alaska kuwaasi oo laga doonayo iney sii wadaan adeecidda tallaabooyinbka la xiriira kala fogaanshaha bulshada. Balse qaar ka mid ah magaalooyinka gobolladaasi ayaa go’aansaday iney sii wataan xayiraadaha saaran. Iyadoo dadka shaqo l’aanta ah lagu sheegay iney dalkaasi gaareen 26 milyan oo qof tan iyo bartamihii bishii Maarso, ayaa waxay gobollo badan oo ka tirsan Mareykanka dareemeen culeyskaasi waxayna ku khasabtay in dib loo furo ganacsiyada. Balse khabiiriinta caafimaadka ayaa ka digay in tallaabooyinkaasi ay yihiin kuwa lagu degdegayo. Tobanka waddan ee hogaaminaya dhimashada Covid-19?
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|