Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukunka Dad Qaad Lagu Soo Qabtay U Adeegsatay Xeerka Mukhaadaraadka Iyo Gafafka Sharci Ee Ka Muuqda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukunka Dad Qaad Lagu Soo Qabtay U Adeegsatay Xeerka Mukhaadaraadka Iyo Gafafka Sharci Ee Ka Muuqda!
April 29, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa Maanta markii ugu horeysay la horgeeyey muwaadiniin lagu Qabtay inay dalka soo galiyeen Qaad, kaas oo dhawaan ay Gudida uu gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Mudane C,raxmaan C,laahi Ismaaciil Saylici soo saareen Go’aan ah in dalka laga mabnuucay muddo dhan 25 cisho oo ku siman Wakhtiga bisha ramadaan, In dalka jaad soo galo taasi oo sida ay sheegeen ujeedada loo joojiyey tahay shaki laga qabo maadaama oo dalalka jaarka la ah somaliland uu ku faafayo Xanuunka Covid 19 in laga hor tago oo uu qaadku noqon karo geed gudbin kara fayraska coronavirus, maadaama dalka itoobiya xanuunka laga helay.

Madaxweyne Ku xigeenka somaliland oo akhriyey qodobadaasi sheegayna inay isla qaateen dhammaanba qaadlayaashii keeni jiray qaadka dalka,waxaanu warqad ka akhriyey go’aan ay soo saareen gudida uu hormuudka u yahay ee ka hortaga xanuunka covid 19 kaas oo ay ugu horeysay in gabi ahaanba la joojiyey qaadkii dalka soo galayey mudo 25 cisho ah oo ka bilaabmaysay axadii ina soo dhaaftay, kuna eeg laba cisho ka hor maalinta ciida, intaa ka horeysayna ciidamada booliska somaliland amar ku haystaan in ay qabtaan cidii lagu qabto inay qaad dalka soo galinayso isagoo

sidoo kale madaxwayne kuxigeenka jsl ayaa sheegay in lala wareegayo gaadiidka kala duwan ee lagu qabto qaadka, lana gubayo qaadka, halka qofka watana la horgeynayo sharciga,

Madaxweyne ku Xigeenka Jsl Ma uusan sheegin qodobada loo cuskanayo Xadhiga dadka lagu qabto qaadka iyo hantida lagala wareegayo midna, aan ka ahayn go’aanka uu afka ka akhriyey ee kasoo baxay gudida qaranka ee xanuunka covid 19.

Marka hadaba aynu u noqono dhinaca sharciga iyo Xeerarka qaranka somaliland u dajisan kuma jirto kumana cada qodobo sheegaya in qaadku yahay danbi lagu mutaysan karo xadhig dheer oo gaadha ilaa saddex sano iyo wax ka badan, mana jiro xeer kasoo baxay golaha sharci dajinta qaranka somaliland, ama digreeto madaxweyne  oo lagu mabnuucay keenista qaadka iyo ka ganacsiga intaba.

Taa bedelkeeda waxaa  Mawliid Cabdi Muuse (Maax) oo kamida Xafiiska xeer ilaalinta qaranka somaliland ahna xeer ilaaliyaha gobolka maroodijeex maanta waraabinta u sheegay in maxkamada gobolka Maanta la horgeeyey eedaysanayaal lagu soo qabtay qaad inay dalka soo galinayeen, laguna xukumay 4 eedaysane xadhig dhan saddex sano iyo lix bilood iyo ganaax lacageed oo ah 3 milyan oo somaliland shilling ah,

Xeer ilaaliye Mawliid ma uu sheegin Xeerarka iyo Qodobada Xafiiska Xeer ilaalinta gobolka maroodijeex u cuskaday xukunka lagu riday eedaysanayaashan ay maxkamada horgeeyay iyo sharciga lagu wareegay gaadiidkooda,

sidoo kale  xeer ilaaliyuhu ma uu faahfaahin qodobada ay maxkamadu u martay xadhiga iyo ganaaxa lacageed ee lagu riday muwaadiniintan muwaadiniintan.

Sharci yaqaano kala duwan oo ay la xidhiidhay warbaahintu ayaa u xaqiijiyey in xeerka loo cuskaday laguna xumumay  muwaadiniintan qaadka soo galinayey dalka uu yahay xeerka mukhaadaraadka  xeer L/R.21/2002  Xeerkan oo ah xeerka maandooriyaha oo lagu xukumo dadka lagu qabto inay ka ganacsanayeen ama siteen mukhaadaraadka maan dooriya sida khamriga, xashiishada iyo daroogo kasta oo qofka maankiisa iyo maskaxdiisa bedesha kuma jiro lagumana sheegin inuu qaadku ka mid yahay.

Sidoo kale Xeerkan ayaa waxa ku cad in qofka lagu qabto gaadhigiisa noocyada maandooriyeyaashaasi lagu ganaaxayo ganaax dhan 5% qiimaha gaadiidka, marka labaad ee lagu qabtana lagu ganaaxayo 10% qiimaha gaadiidka, halka marka saddexaad ee lagu qabto ay dawladu la wareegayso Gaadiidkaasi.

Talaabadan ay ku kacday xukuumada Somaliland iyo maxkamada gobolka maroodi jeex ayaa ah mid baalmarsan qawaaniinta uyaala Somaliland taasi oo gaf sharci ku ah dalka iyo cidkasta oo lagu xukumayba.

Halkan Ka Akhri Xeerka Mukhaadaraadka Dalka Jsl.

 

Gafafka Sharci ee ka muuqda iswaafajinta xeerarka dalka u yaala iyo xukunka iyo ganaaxa lagu riday muwaadiniintan ayaa ah kuwo ka hor imanaya xeerarka kasoo baxay Golaha Sharci darinta qaranka somaliland.

Iyadoo aaney jirin Habayaraate Wax daliil cad ah oo sharciga waafaqsan oo ay faahfaahiyeen laaamaha garsoorka iyo Xafiiska xeer  ilaalinta qaranku oo loo maray xukunka muwaadiniintan.

Sidoo kale haddiib ay sharci tahay xeerka Mukhaadaraadka ee X.LR. 21/2002 oo ah xeer dhaqan galay wakhti hore maxaa bulshada somaliland inta cunta iyo inta ka ganacsata qaadka loogu qaadi waayey oo hore loogu xidhi waayey, mase ka dhigi karaan qodobada ay soosaareen gudida ka hortaga xanuunka corona virus ee ka dhanka ah qaadku kuwo loo cuskado Xukunka muwaadiniinta iyo in Xukuumadu Kala Wareegto hantidoodii.

Dhinaca Falalka sharciga baalmarsan ee laga dhaxlay qaadka la joojiyey ayaa kamid in ciidamda booliska somaliland ee ku sugan xuduuda u dhaxaysa iyo wajaale ay gaadiidka kala duwan Ee kasoo baxaya ku baadhayaan koonaha soke ee magaalda wajaale, iyoo  iskadaa gaadhi sida qaad qof sita ee soo qaatay intii yareyd ee uu cunayey ay kula kacayaan cago jugleyn iyo gacan qaad khasabna ay kagaga qaadayaan muwaadiniinta aan ka ganacsaneyn balse lafahooda usoo iibsaday wixii yaraa ee ay cuni lahaayeen,

Gudida uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka somaliland ee soosaartay qodobadan lagu joojinayo qaadku meel kuma sheegin in la joojiyey cunista qaadka balse waxay bulshada u cadeeyeen in la mabnuucay ka ganacsiga iyo soo galinta qaadka dalka, waxaana taa bedelkeeda shacabka somaliland dhibaato weyn iyo tacdi aan loo meel dayin kala kulmeen ciidamada booliska oo iyagu shaqo ka dhigtay wax kale iska daaye inay qofka afkiisa yidhaahdaan soo saar carabka si laguu eego inaad qaad cuntay iyo in kale.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS