“Maxamed Cali Bile Waxqabadka Uu Inoo Sheegay Wax Baa Ka Jira, Laakiin Dhamaantood Waa Intii Lagu Qabtay Maalgelin Shisheeye Iyo Wixii Shicibku Qabsaday” Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maxamed Cali Bile Waxqabadka Uu Inoo Sheegay Wax Baa Ka Jira, Laakiin Dhamaantood Waa Intii Lagu Qabtay Maalgelin Shisheeye Iyo Wixii Shicibku Qabsaday” Cali Guray.
April 20, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa ka dareen celiyay hadal kasoo yeedhay agaasimaha guud ee madaxtooyada somaliand oo ka waramay waxyaabo badan oo xukuumadu qabatay balse siyaasi cali guray oo falanqayn ku sameeyay ayaa mid mid udul istaagay arimahaasi isagoo sheegay in waxqabadkaasi uu maxamed sheegay uu yahay mid shacabka qabsaday iyo kuwii maalgalin shisheeya lagu qabtay.

Sidoo kale cali guray ayaa xusay aqoonta maxamed Cali bile  inkasta oo aanu haysan cid dhagaysata amaba ka faa,iidaysata,

Siyaasi cali guray oo qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka ee facebookga ayaa udhignaa sidan;

Berigii Aanu Ardayda Ahayn Marka bisha Oktoobar 21keedu soo dhawaado waxa la bilaabi jiray in gaardi la sii ciyaarsiiyo Ardayda maalnita maraysa. Saraakiisha nin ka mid ahaan jiray Ayaa kormeer noogu imaan jiray oo na daawan jiray sida aanu gaardiga, oo aanaan jeclaan jirin u baranay. Marka joogso la yidhaa ayuu intii usha yar bawdadiisa la dhaco odhan jiray “ very bad ma xuma” isagoo is lahaa waxad tidhaa “ not bad ma xuma”. Qosol ayaanu u daadan jirnay.

Maxamed Waxqabadka Uu Inoo Sheegay Oo Dhami Wuu jiraa Ama Wax badan baa ka jira Laakiin Dhamaantood Waa Intii Lagu Qabanayay ama Lagu Qabtay Maalgelin Shisheeye Iyo wixii Shicibku qabsaday. Markaa waxan leeyahay saaxiibkay Maxamed “very bad ma xuma”.

Maxamed Cali Bile Runtii Aniga Xagayga Waa Shakhsi Qiimo leh Oo Dalkiisa horena wax u taray Haddana Wax badan tari kara hadii cid wax ka dhegaysanaysa ama ka faa,iidaysanaysaa ay jirto. Isaga iyo Maxamed Warsame oo maamulka Madaxwayne Muuse Biixi ku jiraaba waxay ka soo retire-garoobeen haya’daha Qaramada Midoobay. Xiligan waxa dalka inala jooga sida la ii sheegay laba ama sadex kale oo iyagu ka retire-garoobay gaar ahaan haya’dda Caafimaadka Aduunka (WHO). Waxa jooga kuwo kale oo wada khubaro ah kana mid ah kuwa xiligan taladooda iyo tusaalahooda aadka loogu baahan yahay laakiin Somaliland aan awr halaabay la waydiin. Taasi waa u caado Somaliland ee ceebteeda maaha.

Ku dhawaad kala badh muddo xileedkii Madaxwayne Muuse Biixi oo haatan aynu joogno hawsha ugu muhiimsanayd ee u taalay waxay ahayd in uu badbaadiyo nadaamkii xisbiyada badan iyo doorashooyinka tooska ah oo udub-dhexaad u ahaa dawladnimadeenaba ama dawlad wanaagga aynu ku taami jirnay ee uu ku xidhnaa ka midho dhalinta halgankii dibu xoraynta Somaliland oo ahaa in ummadda Somaliland ay hirgeliso nadaam dawladeed oo ku dhisan dimuqraadiyad iyo in qaynuunku uu noqdo xukunka ee aan qofku noqon, sharciguna sareeyo oo loo wada sinnaado.Tiina halka aynu marayno marka aan eego waa (Ma daraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay). Markaa Maxamed waa nin runtii aqoon leh af soomaali badan oo aftahan ah inu sidaa u amagaag leeyo dan Baa Tidhi Ee Ha la Yaabina.

QALINKII; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

COMMENTS
LINKS