“Madaxweyne Caadil Ah Ayaanu Moodaynaye, Alle Hanaga Qabto” Qoysaska Degan Buurta Kale Jeexan Oo Markale Fariin Udiray Muuse Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Caadil Ah Ayaanu Moodaynaye, Alle Hanaga Qabto” Qoysaska Degan Buurta Kale Jeexan Oo Markale Fariin Udiray Muuse Biixi.
April 27, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) – Qaar ka mid Qoysaskii Danyarta ahaa ee deganaa buurta Kala-Jeexan ee Galbeedka Magaaladda Hargeysa ayaa baaq culus iyo hanjabaad u diray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qoyskiisa oo ay ku eedeeyeen in ay si badheedh ah uga qaadayaan dhul ay iyagu lahaayeen, Waxaanay ku hanjabeen inay hadda diyaar u yihiin inay iska caabinayaan wax ay ugu yeedheen dulmi ay ku hayaan Qoyska Reer Biixi sida ay hadalka u dhigeen.

Dumarkan oo goob cidlo ah fadhiyay, islamarkaana dharyo ku karsanayay Shalay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyaga iyo raggoodiiba diyaar u yihiin inay difaacdaan dhul ay sheegeen inay ku haystaan qoyska Reer Biixi, waxa kale oo ay sheegeen inay iskaga soo gurmadeen dadkoodi degenaa Dalka Itoobiya oo raggii halkan ku diyaar yihiin iyagga iyo qoryahoodii islamarkaana ay hadda isku diyaariyeen inay ku dhintaan dhulkaasi.

Hadalka Dumarka waxaa ka mid ahaa “Madaxweyne Caadil ah ayaanu moodaynaye, Alle hanaga qabto,  Ilaahay xaqa hagaransiiyo, Dhulka Muxuu  ku fali, Illaa Tukaraq illaa lawyacado ayuu xukumaaye, Muxu ku falayaa Buurtan, ma dahabbaa kaga lumay, Agoomaa degan, Masaakiin ayaa degan, waydinkaas arkaya dadka banaanka wadhan ee danyarta ah“

Waxa kale oo ay yidhaadeen“Waanu diyaar garawnay oo Hubkiina waanu soo guraney, Rag iyo Dumarba Heegan ayaanu nahay, Waxaanu isku raacnay inaanu iska celino Dawladda Muuse, illaa Jiingaddii ayaa laga yimid, Itoobiya kii deganaa Halkan ayuu yimid Qorigiisii wuu haystaa, Dhimasho kama naxayno, Alaahu akbar ayaanu ku dhimanaynaa”

Waxa kale oo hadalkooda ka mid ahaa “Maalintii dhawayd ee ay Cagaftu nagashay Siyaad Barre ayaanu xasuusanay, inay wadada noo samaynayaan ayaanu moodaynay, cadaw nagu soo socda oo nagalaybay ahaayeen,  dhulka anaga ayaa leh Muusaw, naga qabo Reerkiinna”.

Dhinca kale, maalmihii udambeeyay waxa kulamo gooni gooni ah Hargeysa ku yeelanayay Jufadda ay kasoo jeedaan dadkan danyarta ahi iyo jufada Madaxweyne Biixi kuwaasi oo ka arrinsanayay arrintani, waxaanay u muuqataa inaan wax natiijo ah laga gaadhin kulamadaasi.

 

COMMENTS
LINKS