|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Mar Kale Isugu Yeedho Golaha Wakiilada Jsl
April 8, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu mar kale isugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada, si loo hor-geeyo labadii Xubnood ee xisbiyada WADDANI iyo UCID u Matalaya Komiishanka cusub ee Qaranka oo ay goluhu hore u diideen. Ma jiro war rasmiya oo ka soo Xafiiska Madaxweynaha iyo dhinacyada Arrintani khusayso, balse Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu isugu yeedhayo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si mar kale loo hor-keeno Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah u matalaya Komiishanka, si loo ansixiyo. Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmihii u dambeeyay yeelanayey kulamo xidhiidh ah, kuwaasi oo lagaga wada-hadlayey sidii golaha wakiilada looga hawlgeli lahaa si ay u ansixiyaan labada xubnood. Fadhiga aan Caadiga ahayn ee la sheegay in Madaxweynuhu isugu yeedhayo Wakiillada, ayaa qayb ka ah waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabtu kaga wada-hadleen kulamada ay yeesheen. Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI u soo Magacaabay inuu u matalo Komiishanka cusub ee doorashooyinka iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magcaabay ayaa hore loo hor-geeyay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, balse midkoodna ma helin Codadkii uu ku ansixi lahaa, balse Madaxweyne Biixi ayaa wakhtigaa sheegay inuu dib ugu celinayo Golaha Wakiillada.
Related posts:DAAWO;-Maayarka Caasimadda Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Warshada kala Habaynaysa Qashinka Dareeraha Ah. Gudaha ka Akhri: Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Been Sheegay Wakhtigii Dhalashadiisa Iyo Goobta Dhalasha... “Seddexdii Kiis Ee Isku-dayga Dilka Ahaa Waxay Dabada la Galeen Meeshii Ammaanka Gacanta Inoogu Hay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|