“Madaxwaynaha Waxaan Odhan Lahaa, Barigaynu Jabhada Ahayn Gudoomiyeheenu Arintii Uu Minste Lasoo Qaatay, Waataynu Ku Diidnay, Muusoow Dadku Waa Dadkii Uun E Haku Talo Xumoobin”Xasan Guure. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxwaynaha Waxaan Odhan Lahaa, Barigaynu Jabhada Ahayn Gudoomiyeheenu Arintii Uu Minste Lasoo Qaatay, Waataynu Ku Diidnay, Muusoow Dadku Waa Dadkii Uun E Haku Talo Xumoobin”Xasan Guure.
April 5, 2020 - Written by Editor:

“Salaadiintu Dadkay Ka Mid Yihiine Ee Madaxweyne Talo Keen” Muj Xasan Guure Jamac,

HARGAYSA(W,N)-Muj Xasan Guure Jaamac oo kamid ah Odoyaasha Madasha wadashatiga iyo toosinta qaranka ayaa ka Dareen celiyay dhawaaqyada maalmihii udanbeeyay kasoo Yeedhayay Qaarkamid ah Madaxdhaqameedka Somaliland oo Uhanqal Taagayay In ay ka Qaybgalaan Wadahadalada Somaliland iyo somaliya.

Muj Xasan Guure ayaa sheegay in salaadiintu Ay kamid yihiin Bulshada reer Somaliland ee jahawareerka siyaasadeed ku Habsatay.

Sidoo kale Muj Xasan Guure ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu keeno talo qaran oo mudanka Somaliland wax laga waydiiyo sidii loo gaadhi lahaa talo loo dhan yahay oo lagu waajaho xaalada taagan iyo sidii go,aan looga qaadan lahaa waxa laga yeelayo masiirka Somaliland.

Dhanka kale Muj Xasan Guure ayaa ka dhawaajiyay in Madaxwayne iyo cid kale aanay waxay doonto yeeli Karin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS