|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dawlada Jabuuti Ka Tacsiyadeeyay Geerida Wasiirka Maalgashiga Iyo Madaxtooyada Marxuum Cali Geelle.
April 27, 2020 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 28/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, shacbiga reer Jabuuti iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Maalgashiga iyo Madaxtooyada Jabuuti Marxuum Cali Geelle Abubakar oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 28/04/2020, dalka Jabuuti. Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi marxuumka xukuumaddii iyo golihii wasiirada ee uu ka tirsanaa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dawladda Jabuuti iyo shacbigii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:“Wax kasta Oo Shacabka Reer Muqdisho Ka Qaldamay Waxa Sabab U ah, Hogaanka Siyaasadeed Ee Umada Hor ... “Diyaaraddu Waa Tusaale Aynu Mar Kasta Xasuusan Nahay, Dawladdii Siyaad Barre Dhibtii Iyo Xasuuqii A... Sheekh Shaakir Oo Kasoo Horjeestay Doorashadii Lagu Doortay Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Galmudu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|