|
|||||
WAJAALE NEWS
“Maalin La Murmo Lama Joogo Ee Salaadiintu Yaanay Gelin Waxaan Shaqadooda Ahayn”Xil Qabile.
April 13, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W.N)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay labadii xubnood ee labada Xisbi Mucaarad u matalayey Komishanka ee Golahoodu codka ku diiday, kuwaasi oo la filayo inay mar kale gacanta u taagan oo ay ansixiyaan iyo sharcigu wuxuu ka qabo. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Salaadiinta Somaliland, waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu marar badan oo hore ayey is khilaafeen, iyagoo isku qabtay arrimaha Doorashooyinka iyo Komishanka, iyadoo xitta la dhex galay ayay haddana is qabteen, laakiin imika heshiis bay gaadheen, is fahana wuu ka dhex dhacay, gacan taag qudhana waxba kuma meel marino, ee shuruudaha ayaanu u eegnaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diiday, haddii dib loogu soo celiyo Golaha wax mushkilad ah malaha, oo sharciga ayaa loo eegayaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diidayna, waxaa ka mid ah xubin laba jeer oo hore cod lagu meel mariyey..” Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madax-dhaqameedka Dalka “Maanta lama taagna maalin la murmo iyo maalin laga hadlo wada-hadal iyo in Soomaaliya lala hadlo, ee waa maalin uu Adduunkii baqo ku jiro oo Waddan kastaaba xadkiisii xidhay, markaas maalin aynu Dawlad iyo Salaadiin u garnaqno ma joogno ee Salaadiintu hadalladooda ha u meel dayaan, oo waxaan shaqadooda ahayn yaanay gelin..” ayuu yidhi.
Related posts:War Deg Deg Ah: Shrikada Telesom Oo Cabasho Wayn Ka Muujinayan Dadka Isticmaala Adeega ZAAD SERVECC... Maayar Mooge Oo Sheegay In Banaan Baxyadii Maanta Aanay Wax Dhibaaato ah Ka Dhicin, Xili Dhimasho Iy... Madaxweyne Siilaanyo Oo Golaha Wakiillada Ku Celiyay Qaraarkii Lagu Laalay Wareejinta Haamaha Shida... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|