Kastamka Magaalada Berbera Oo Lagu Qabtay Musuq Maasuq Ku Cusub Laamaha Wasaarada Maaliyada + Doorka Agaasime Gurxan Ee Sil Siladaha La Fashiliyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kastamka Magaalada Berbera Oo Lagu Qabtay Musuq Maasuq Ku Cusub Laamaha Wasaarada Maaliyada + Doorka Agaasime Gurxan Ee Sil Siladaha La Fashiliyay!
April 16, 2020 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Dhawaan Ayay Ahayd Markii Kastamka Cashuuraha  Magaalada Berbera lagu soo cashuuray koontiinar alaab ah kaasi oo lagu sheegay in uu yahay sonkor balse markii kooxo wasaarada maaliyada katirsan oo mudo daba socday xogta Laabooyinka qaar lagu soo cashuuro kastamka magaalada Berbera oo shaki ka taagaan Ayaa waxay gacanta kusoo Dhigeen gaadhi waarad ah oo siday koontiinar ku qabteen Deegaanka Abdaal ee gobolka saaxil ku qabteen gaadhigan  oo siday koontinarka ay ka buuxaan qalabka electronic ah kaasi lagu soo cashuuray kastamka berbera oo ay dib ugu celiyeen isla kastamkii berbera si loo hubiya xaqiiqada waxa saaran.

kaasi Oo  Noqday wax aan ahay wixii lagu soo cashuuray oo Ahaa sonkor balse ay ka buuxaan Qalabka electroni oo Mobilada gacanta ah EE kala duwan oo tiradoodu gaadhayso 117400 xabo halka Markii hore loogu cashuuray sonkor ahaan  qiimaha laga qaadayna uu ahaa 800,0000milyan oo somaliland shilling.

Qiimaha cashuurta koontinarka mobilada ee tiradaguud ee ku jirtay kontinarka ayaa noqonaysa  hal Bilyan Iyo Badh HALKANKA EEG XADIGA CASHUURTA UDHAXAYSA LABADA SHAY IYO CADADKA DHAQAALAHA LA LUNSADAY;

Dhacdadan Kastamka magaalada berbera ayaa  noqotay mid amakaag iyo yaab ku noqotay wasaarada maaliyada iyo shacabka Somaliland oo Wararka laga laga helayaa tibaaxeen in uu qaab ay usoo martay kastamka cashuuraha berbera ahaa mid ku cusub wasaarada maaliyada,

koontiinarkan ayaa la furin islamarkaana dhamaan masuuliyiinta leh hubintoodu ay ahaayeen koox isku xidhan islamarkaana og waxa saran iyo cida leh.iyadoo xogaha qaar tibaaxeen in qorshaha koontinarkani mobilada lagu marin jiray kastamka magaalada berbera Aanay Ahay markii ugu horaysay balse  Horeba dhowr jeer Umaray, taasi oo ay suurto galiyeen shabakado isku xidhan oo ka Kamid ah masuuliyiinta kastamka berbera sida Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada maamulaha kastamka, Kuxigeenkiisa iyo Madaxda Tulba Taariyada Ee Ciidanka Ilaalada cashuuraha,

Dhanka kale xogaha laga helayo dhacdadan musuq maasuq ee kasoo ifbaxday  kastamka cashuuraha magaalada berbera ayaa intaa ku daray,

In qorshaha isku xidhan ee lagu lunsanayay cashuurta maaliyiinka ah ay qayb ka ahaayeen Maamulka Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro,Maamule kuxigeenka Maxamed Axmed saalax,(inagoorsalayne) madaxda ciidanka ilaalada cashuuraha iyo Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Maxamed Axmed (Gurxan) oo lagu eedeeyay in uu yahay maskaxda silsiladan  musuq maasuq ka danbaysa isagoo hore maamulaha kastamka magaalada berbera usoo noqday  isla markaana xogo badan ka haya qaabka uu u shaqeeyo iyo siyaabaha ugu fudud ee wax loo marsan karo.

Xogaha dheeradka ah ee kasoo baxaya dhacdadan kastamka berbera iyo Alaabada lagu qabtay ayaa intaa ku daraya in dhamaan masuuliyiinta leh shaqada hubinta kastamka iyo Jeekunka guudba ee kastamka oo  kala ah maamulaha kastamka , maamule kuxigeenka iyo madaxa ciidanka ilaaladu cashuuruhu, agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada iyo Ganacsadaha leh Alaabooyinkan Electronic ah ee sida khaldan kusoo maray kastamku oo uu leeyahay  Ganacsade lagu magacaabo Xuseen oo ay isku hayb yihiin agaasimaha guud iyo xubno kamid ah masuuliyiin katirsan maamulka  kastamka berbera .

Dhanka kale dhacdadan musuq maasuq ee kastamka magalaada berbera  ayaa la sheegay in Ay khilaaf ka dhex abuuray wasiirka wasaarada maaliada sacad cali shire oo la sheegay in kooxdan fashilisay silsiladani ay wada shaqayn hoose lahaayeen iyo Agaasimaha guud ee wasaarada ay ka dhex abuurtay khilaaf culus wallow aan wali sicad loo ogaanin inta uu gaadhsiiyay.

WAJAALENEWS DESK

BERBERA OFFICE/

 

COMMENTS
LINKS