Jiqluhu Waa Wareer Iyo Wed Wadajira!W/Q; M. Qoti Q-aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jiqluhu Waa Wareer Iyo Wed Wadajira!W/Q; M. Qoti Q-aad.
April 12, 2020 - Written by Editor:

Waxa Muhiim Ahayd in diiradda la saaro kor u qaadida awooda qaybinta agabka ka  hortaga cudurkaas,  si degdeg ahna loo sameeyo goobaha shaybaadhka lagu baadhayo dadka laga shakisan yahay in ay qabaan cudurkaas oo ah heer tuulo, heer degmo iyo heer gobol, in la hello qalabka shaybaadhka ee polymerase chain reaction (PCR) iyo Coronavirus rapid test, lana sameeyo goobaha adeegyadda caafimaadka ee  lagu karatinimeynayo qofka xannuunku ku cusub yahay, isla markaana ay  goobahaasi ahaadaan qolal kala gaar gaar ah, qolal kaas oo yaalaan qalabka ugu haboon ee ka hortaga cudurka, lana hello qalabka hawo qaadashada macmalka ah ee loogu tallo galay in lagula tacaalo dadka neef-qabatimooba  (Oxygen) iyo xirfadlayaal caafimaad oo lagu tababaray ka hortaga cudurka Jiqlaha,  xeeladdaas waa habka ugu haboon ee lagu samoto bixin karo badbaadada dadka uu cudurkaas ku dhaco, lana dajiyo siyaasadda iyo xeerarka lagu hagaayo ka hortagaayo cudurada faafa.

Marka aynu ka nimaadno xeeladdahaas lagaga hortagaayo cudurka Jiqlaha, haddana,  waxa jirta arrin aan aad loo lafa-gurin go’aan qaadashadeeda taasoo ahayd, go’aankii lagu qaatay in dad bukaan jiif ah oo yaalay cusbitaalka qaaxada ee caasimadda Hargeysa looga saaray dadka soo bukoon doona ee uu ku dhici doono cudurka Covid-19-ka.

Inkastoo ay wali jiraan 16-bukaan jiif ah oo ku jira qaybta karantiimada dadka la qabatimay daawada  cudurka qaaxadda ee (MDR-ka),  balse, waxa la kala diray 81- bukaan jiif ahaa iyo 522 – bukaan socod ahaa oo la siiyey muddo 30-cisho daawadii in ay u qaataan guryahoodii, dadkaas oo ah dadka ugu nugul haddii uu halleelo cudurka dunida ku faafay ee Covid 19-ka.

Dhinaca kale, marka aynu eegno talaabo kasta oo go’aan qaaasho leh,  waxa haboon in aad looga taxadiro, lana qiimeeyo saameynta ay yeelan doonto iyo faa’iidada ay leedahay, isla markaana lagu sameeyo isbarbardhiga faa’iidada iyo khatarta ay leedahay, ka dibna, la qaato haddii ay faa’iidadu badan tahay oo aanay khatareedu yar tahay.

Haddaba, marka aynu eegno arrintan  waxa badan khatarta ay leedahay in cusbitaalkii qaaxada laga dhigo cusbitaalkii karantiimada cudurka  Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19), sababtoo ah, maaha cusbitaal ku haboon in la dhigo dadka uu ku dhici doono cudurkaas, waxaanu ku yaala badhtamaha Caasimadda Hargeysa.

Waxa  khatar kale ah,   603- bukaanka ah in  ku dhawaad 214-qof ayaa ahaayeen kuwo laga hellay  xaakadooda cudurkaas, kuwaa aanay is badelin xaakadoodu ee ku laabtay qosaskooda, waxay si fudud  ugu gudbin karaan xannuunkii, waxaana dhici karta in cudurkii qaaxaduu sidaas uu ku sii fido korodhka dadka qaba cudurkaas, waxa kale oo iyadu khatar kale ah dhamaan bukaankaas haddii ay si toos ah u qaadan waayaan 30-kaa maalmood daawadii la siiyey, waxay arrintaasi sababi doontaa in uu sii kordho dadka la qabatimay daawada qaaxada ee Multi-drug resistant (MDR).

Cudurka qaaxadu waa cudurada la iskugu gudbiyo hawo qaadashada, ee afka qalaad loogu yeedho  (Air-bone disease) waxanu gaar ahaan waxyeeleeyaa sanbabada,  kaasoo sii gaadhsiiya  waxyeellooyin  maskaxda, qandjidhada, kalyaha, lafaha iyo kala-gooysyada, waxaana lagu qiyaasaa celcelis ahaa in 100,000-ba  ay qabaan 324-qof oo ay da’doodu u dhaxeyso 15-jir -34- jir dalka  Jamhuuriyadda Somaliland.

QALINKII; Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS