“Intaa Soo Isku Qalbi Ah, Oo Si Daacad Ah Dadkooda Ugu Adeegaya, Waxba May Xumaadeen”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Intaa Soo Isku Qalbi Ah, Oo Si Daacad Ah Dadkooda Ugu Adeegaya, Waxba May Xumaadeen”Siyaasi Cali Guray.
April 9, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa dareen celiyay kulankii wada jirka ahaa ee ay maanta warbaahinta kula hadleen madaxda dalka ugu saraysa oo dhamaystiran

Siyaasi cali guray ayaa sheegay in hadii intan dalka ugu sarayso oo daacad ah waxna kamidaysayni ay bulshada wax uqaban lahaayeen.

Dhanka siyaasi cali ayaa farta u fiiqay hal shay oo kaliya oo ay midaysa yihiin kaasi oo ah xanuunka coronavirus

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Intaa Soo Isku Qalbi Ah, Oo Si Daacad Ah Dadkooda Ugu Adeegaya, Waxba May Xumaadeen”Siyaasi Cali Guray.

“Madaxdii Ugu Saraysay Qaranku Horta Waaba kuwan. Hadii Aynu Iswaydiino Maxay ka midaysan Yihiin Maxayse Aanay ka Midaysnayn? Anigu dhinacyo badan baa ka Eegay Waan Waayay Wax Iyagoo lilaahi ah oo ka daacad ah ay ka midaysan Yihiin oo aan ahayn COVID-19. Kaasina waa belayo laga wada baqday oo qayrkood bay la qabaan oo mid waliba isagaa uga baqanaya.

Xataa Doorashada oo sidii EUdu ku dhexdhexaadisay ay kolay Xisbiyada iyo Madaxwaynuhu inoo sheegeen inay ka heshiiyeen Anigu weli kuma qanacsani run ahaan inay ka wada daacad Yihiin oo ay run tahay inay ka heshiiteen. Inta ay Mudnaantooda koobaad tahay danaha gaarka ah ee kala Leeyihiin Ama wada leeyihiin kana hormarinayaan danta guud Ee la wada leeyahay xalku kow ma joogo mana dhawa. Xaaladda Somalilandna inay ka sii darta mooyee loogama fadhiyi karo inay noqoto mid ka soo raysa. Waa siday aniga ila Ta Haye. Ta Allehna Maqan Oo Isagu Waa Siduu doonaba yeele. Markaa isaga ayaynu ka baryaynaa isbedel khayr qaba.

اللهم يا محول الحوال حول حا لنا الى احسن الحال.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY).

 

COMMENTS
LINKS