Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Shacabka Somaliland Ugu Baaqay In Ay U Gurmadaan Shacabka Reer Qardho Ee Dhibaatadu Soo Gaadhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Shacabka Somaliland Ugu Baaqay In Ay U Gurmadaan Shacabka Reer Qardho Ee Dhibaatadu Soo Gaadhay.
April 29, 2020 - Written by Editor:

“Waxa Aan Cod Dheer Ugu Baaqayaa Sidii Milgaha Lahayd Ee La Inooga Bartay In Aan Walaaleheennaa Muslimiinta ah Ee Qardho Gurmad Laxaad Leh u Fidino”Gudoomiye Cirro

 

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee wadani cabdiraxmaan ciro ayaa ka hadlay dadka reer qardho ee daadadku saameeyeen kuwaasi oo xiligan ku sugan xaalad ubaahan gurmad.

Gudoomyaha xisbiga wadani ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku bahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Waxa aan la qeybsanayaa murugada, tiiraanyada iyo dhibka ka soo gaadhay deegaanka Qardho fatahaadda aafeysay ee naf iyo hanti-ba leh, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto inta dhimatay, cawil kheyr qabana ugu beddelo dhibka ka soo gaadhay, kana samata-bixiyo inta hadhay, waxa aan cod dheer ugu baaqayaa sidii milgaha lahayd ee la inooga bartay in aan walaaleheennaa Muslimiinta ah ee Qardho gurmad laxaad leh u fidino oo la qaybsanno dhibka ku habsaday. Waa maalmo kheyr lehe, aynu u gargaarno, u gurmanno, gacanna u fidinno Qardho.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

COMMENTS
LINKS