Fly Dubai Waxa Looga fadhiyaa Cadayn Qeexan Oo La Xidhiidha Cida Joojisay Safarkeedii March 19/3/ 2020 Ee Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fly Dubai Waxa Looga fadhiyaa Cadayn Qeexan Oo La Xidhiidha Cida Joojisay Safarkeedii March 19/3/ 2020 Ee Somaliland?
April 4, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-19-kii bishii Ina Dhaaftay Ee March, Waxa Ay Diyaaradda Fly Dubai Hawada ka celisay flight-keedii caadiga Ahaa Ee ka iman Jirtay  Caasimada Somaliland , to Dubai Ee Dalka Isku tagga Imaaraadka carabta  kuna soo jeeday Magaaladda Hargeysa Ee Xarunta Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Isla markiiba, waxa sheegtay celinta diyaaraddaasi dawladda federaalka  Somalia, oo hore u sheegtay inay gebi ahaanba ka joojisay safaradda caalamiga ah hawadda Somalia oo ay ku darsato Somaliland-na.

Hase yeeshee, Qoraal Ay Mar Dambe soo gelisay Fly Dubai.com Website-keeda, waxa ay ku sheegtay inay iyadu joojisay, mase Sheegin sababta. Safarka shirkadda FlyDubai ee 19-kii March, Waxa Uu Dib u Noqday Markii uu soo galay hawadda Somaliland, gaar ahaana sida khubaradu sheegeen uu marayay Hawadda Laasqorey ee Somaliland.

Inkasta oo aanay shirkadda Fly Dubai shaacinin maalintaasi inay Joojisay safarkeeda Somaliland,haddana mar dambe oo ay Diyaaraddu noqotay ayaa website-keeda lagu sheegay in la Hakiyay Safaradda Somaliland, lagumase sheegin cida hakisay.

Hase yeeshee, shirkadda Fly Dubai ayaa dhawr maalmood ka Dib soo fadhiisatay Madaarka Hargeysa, ka dib markii sida ay Sheegtay soo Qaaday cCawimo ka timid shirkadaasi oo la Xidhiidha Qalabka loo isticmaalo ka hortagga xanuunka Coronovirus.

Hase yeeshee, waxa la sheegay inuu safarkani uu ahaa oo keli ah mid gaarka oo la soo kireystay, isla markaana lagu doonayay In lagu fuliyo dhawr arrimood oo kala duwan, kuwaasi oo kala Ahaa in waxoogay Cargo oo ah Hargeysa u socday lagu soo Qaado iyo dhawr qof oo kale, iyo dhawr kartoon oo qalabka ka Hortagga xanuunkaasi ah iyo waliba in shan qof oo kale oo Imaaraatiyiin ah oo bisha cas dalkaasi u shaqaynayay lagu Qaado.

Dhinaca kalena, la rabay in rayil-caamka Somaliland loo tuso Inay Jebisay Xayiraadii Somalia, isla markaana ay caawimo Keentay.

Balse Isweydiintu Waxay tahay waa Intee Caawimada ay Keentay, sababta oo ah maamulaha shirkadaasi ee Somaliland Waxa uu isla sawiray oo keli ah dhawr kartoon, haddiise ay jirto Mee?

Dhinaca kale, shirkadda kale ee caalamiga ah ee la yidhaahdo Ethiopian Airlines, waxa ay iyadu website-keeda ku tidhi, markii Ay ka hadlaysay Arrintani xayiraadda Somalia soo rogtay sidan. “ Somaliland: iyada oo ay dhaqan gelayso 18:00 GMT, March 19,2020,  Dhamaan Safaradda diyaaraddaha ee ka imanaya Kenya, Somalia, China, Italy, Iran, France, South Korea iyo Spain Waxa Somaliland laga mamnuucay muddo 28 maalmood Ah. Hawadda Somaliland-na si buuxda Ayay U Furan Tahay Sidii Ay Awalba Ahayd”.

Aynu Barbardhigno Shirkadda Fly Dubai-na waxa ay tidhi.  Somaliland: Fly Dubai Safaradeedii ku socday Amaba ka yimid Hargeysa Waa La Hakiyay laga bilaabo 19 March” Ayaa lagu yidhi. Laakiin Taasi Bedelkeeda dal kasta waxa ay shirkaddu sheegtay sababta loo Joojiyay safaradda iyo cida Amartay, Balse Somaliland may Sheegin Cida Amartay, In ay joojiso safaradii ay ku iman jirtay,

Haddaba, Haddii Xaalku sidaa yahay shirkadda Fly Dubai waxa laga rabaa cadayn ku filan, sobobaha ay uhakisay duulimaad yadeedii haddii kale xukuumadda Somaliland ayay waajib ku tahay inay ka qaado talaabo cad oo waafaqsan dastuurka Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

FAALADII SAXAFI; MAXAMED AMIIN JIBRIIL CISMAAN

HARGEISA SOMALILAND .

         

COMMENTS
LINKS