Farmaajo Oo Lafilayo In Uu Xilka Ka Qaado Taliyayaasha Ciidamada Milateriga & Booliiska + Bedelkooda Iyo Halka Laga Raacay Masuuliyiintan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Farmaajo Oo Lafilayo In Uu Xilka Ka Qaado Taliyayaasha Ciidamada Milateriga & Booliiska + Bedelkooda Iyo Halka Laga Raacay Masuuliyiintan!
April 25, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)- Ilo-wareedyo Laga Helayo Xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto, ayaa Warbaahinta Qaarkeed u xaqiijiyay in uu socdo isbeddel madaxweyne Farmaajo ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga Somaliya.

Xogtu waxay sheegaysaa, in Madaxweyne Farmaajo uu xilka qaadis ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga, si loo dardar geliyo Sugidda Amniga iyo Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa wararku sheegayaan in loo wado Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Sacuudiya Carabiya, halka Gen Odowaa aan weli la xaqiijin meesha loo magacaabi doono

Sidoo kale Xogahani  waxay intaas ku darayaa, in Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka isna la filayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse xogtu ma xusin cidda loo wado Taliyaha Ciidanka Booliiska.

 

COMMENTS
LINKS