|
|||||
WAJAALE NEWS
Doorka Wasiir Sacad Ee Hawlaha Ka Socda Wasaaraddda Maaliyadda Jsl!
April 19, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Wasaaradda Maaliyadda Oo ah Halbowlaha Waraabiya Qaranka waaxyihiisa kala duwan, waxay u Unkan tahay qarankana masuul uga tahay dejinta miisaaniyada iyo Soo Saarista dakhliga uu qaranku ku shaqeyn lahaa, hadaba Tan iyo Intii wasiir sacad uu la wareegay xilka wasaaraddaas Waxa soo baxay god-dalooloyin ay yeelatay wasaaraddasi iyo Musuqyo baahsan oo aan caado u ahaan jirin wasaaraddaas Tan iyo intii qarankani uu jiray. Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Hawsha ugu Muhiimsan Ee Ay Qaranka u hayso oo ah dakhli soo ururinta Iyo Ilaalinta cashuuraha laga qaadayo dadweynaha, ayaa tan Iyo intuu Sacad Wasiirka ka noqday wasaaraddaasi waxa soo baxaya musuq maasuq baahsanaa oo jiray tan iyo intuu wasiirka ka ahaa wasaaraddaas iyadoo masuuliyiinta ka hooseeya ay yihiin iyagu kuwa lugta ugu weyn kula jira musuqaas. Wasiir Sacad oo sameynaya maamul daadajin waxa uu dhamaan wixii hawl dakhli iyo cashuur ururin ku wareejiyey masuulka ka hooseeya isaga ee ah Agaasimaha Guud Mohamed cabdi gurxan, isagoo wax door ah ba ku yeelan wasiirku wixii hawl maalmeed ee ku saabsan shaqo dakhli. Wasiir Sacad wuxuu shaqadii uu wasaaradda masuulka uu ka yahay isku soo ururiyey kuna koobsaday xafiiska PFM-ka, taas oo curyaamisay shaqadii wasaaradda iyadoo miisaniyad Sanadeedkii 2019 ay is dhimtay dakhliga wasaaradu 3% intii Loogu talo galay. Wasiir Sacad markuu wasaaradda xilkeeda la wareegay wuxuu Balan qaaday inuu dhaqaajin doono dakhliga waaxda cashuuraha berriga oo ah mid fadhiid ah dakhli badana soo saarin, iyagoo isla sanadka uu balan qaadka uu sameeyay ay ahayd sanadkay ugu xumeyd record-ka dakhli soo saar ee Waaxdaasi iyadoo 38% hoos uga dhacday ku talo galkii loo sameeyay. Wallow macatul macaashka laga qaaday ganacsatada reer Somaliland ay waaxda cashuuraha barigu libin laabtay ganacsadihii 5jeer in ka badan inkasta oo aan sicad loo ogayn in lacagahaasi ay si toos ah ugu dhaceen qasnada dawlada iyo in shabakadaha musuq maasuq ee isku xidhani lunsadeen. Dhanka kale Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda oo ah masuul uu wasiir Sacad aad ugu kalsoon yahay awoodo badana uu siiyay, waxay dhaxal siisay inuu shabakado musuq oo isku xidhan uu ka sameeyo dhamaan kastamadda dalka iyo cashuuraha beriga, isagoo magacaabay meel kastana u dhiibay maamule iyo maamule ku xigeeno, agaasimayaal iyo agaasimyaal ku xigeeno isaga u daacada wasiir Sacadna qaar badan aanu garanayn balse uu saxeexo uun magacaabistooda. Agaasime Gurxan isagoo awoodda la dhaxal siiyey ka faa’ideysanaya waxa uu musuq baahsan ka sameyey dhamaan kastamadda dalka isagoo ganacsade Xuseen Geesh oo ay isku hayb yihiin xidhiidh dhowna leeyihiin, ka saaciday inuu soo geliyo dalka bacaha oo dalka hore looga mamnuucay iyadoo tirabo laba jeer oo baco la qabtay oo uu ganacsade Xuseen Geesh, lahaa halkii laga gubi lahaa uu wasiir Sacad ku qanciyey in transit loo sameeyo, wasiir Sacadna uu u sameeyay transit-kaa sidaana laba askari lagu raaciyo gaadhi lana idhaahdo Bosaaso ayay ku socdaan, balse bakhaaro Burco ah lagu rogo. Waxa xusid mudan tan iyo intii uu wasiir sacad ahaa wasiirka wasaaradda maaliyadda ma jirto wax baco ah oo la gubay. Iyadoo arimaha musuq maasuq iyo kooxaha isku baystay xatooyada cashuurta qaranku waxaa dhawaan dhacay laba dhacdoo isku beegan oo isla bishan gudaheed ah oo kala ahaa in wasiir Sacad soo saaray waraaq lagu dhimayo dhamaan kharashaadka ay dawladu gasho xaaladan lagu jiro ee dhaqaalo yaraanta uguna wacan tahay xanuunka covid19, dhacdada kale oo ahayd agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Gurxan oo ahaa maskaxdii isku daba riday samato bixinta container mobile- ah oo cashuurtiisu dhamayd 1.6 billion slsh laguna cashuuray sonkor lagana 8 million oo keliya qarankana lagaga dhacsaday lacag dhan 1.5 billion. Waxa la yaab noqotay dadkuna ilaa hadda la jahwareer san yihiin in wasiirkii maaliyaddu xatooyada intaa leeg een waligeed kastam ka dhicin lagu kacay aanu war ka hayn xili uu ka mashquulsana in dakhli dhimis lasameeyo si wax loo tashiilo. Isku soo wada duubo wasiir sacad Ayaan wax door ah ku lahayn wasaaradda isagoo kaga mashquulay hawlihii qaranka laxaadka u ahaa xafiisk keliya ee PFMka Wax idaba marinta iyo iskooxaysiga musuq maasuq ee ka jira wasaarada maaliyada ayaa wakhtigan cabashadoodu waxay gaadhay hala dalka ugu saraysa ee madaxtooyada taasi oo laga war sugidoono hadba talaabada ay ka qaado masuuliyiinta marinada musuq maasuq fudaydiya WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|