|
|||||
WAJAALE NEWS
Dibadbax ballaaran oo markale ka bilowday magaalada Muqdisho
April 25, 2020 - Written by Wariye:Muqdisho (WJN) – Waxaa markale saaka magaalada Muqdisho dib uga bilowday banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda 2 qof oo rayid ahaa ugu geystay degmada Boondheere ee G/ Banaadir. Dibadbaxa ayaa waxaa dhigaya dadweyne fara badan oo ay hormuud u yihiin dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo ka careysan toogashadii xalay ka dhacday isgoyska Jubba. Dadka dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah askarta dowladda, iyaga oo sidoo kale taayaro waa weyn ku gubaya jidadka Shangaani iyo Boondheere. Sidoo kale dibadbaxayaasha oo aad u careysan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaalada horkeento askarigii ka dambeeyey toogashadaasi. Dhinaca kale taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay askariga dilka geystay oo haatan gacanta ugu jira ciidamada ammaanka, kaas oo lagu magacaabo D/Le Booliis 26869 Xasan Aadan Xasan, islamarkaana ah 24 sano jir. Eedeysanaha ayaa waxaa loo heystaa dilka labadda ruux ee kala ah Marxuumad Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 sano jir aheyd iyo Marxuum Xasan Cali Cadaawe oo 24 jir ahaa. Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa tan iyo xalay kacsaneyd, kadib markii labadaasi qof oo u hoggaansamay bandowga habeenkii ah lagu dilay afaafka hore ee hoygooda, taas oo dhalisay carada dadka weli dibadbaxa ka wada degmooyinka Shangaani iyo Boondheere. Related posts:Prof, Axmed Ismaacil Samatar oo Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Ingiriska Kala qayb galay Xuska M... “Tv-ga Universal Akhlaaqdii Iyo Anshaxii Islaamka Labadaba Wey Ka Gudbeen Ee Raali Galin Ha Bixiyaan... Sawirka Madaxweyne Biixi iyo Xildhibaan Xuseen oo Qabsaday Baraha Bulshada iyo Xiisaha Ku Jiray COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|