Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Qofkii Ugu Horeeyay Ee Ugeeriyooday Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Qofkii Ugu Horeeyay Ee Ugeeriyooday Coronavirus.
April 8, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay uu u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Qofka geeriyooday, ayaa ah muwaadin Soomaaliyeed oo 58 jir ah.

Wasaaraddu waxay maalintii shalay shaacisay in qof 58 jir ah oo aan dalka dhinac uga bixin laga helay cudurka.

Geerida qofkii ugu horeeyay ee cudurka Covid19, waxay kor usii qaadaysaa walaaca iyo feejignaanta cudurka.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs Fowsiyo Abiikar ayaa sheegtay in afar kiis oo cusub ay kusoo biireen dadkii cudurka horay looga helay, iyadoo haatan tirada guud ka dhigaysa 12 kiis.

 

COMMENTS
LINKS