Dawlada Somaliya Oo Shaacisay 9Qof Oo Cusub Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliya Oo Shaacisay 9Qof Oo Cusub Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus.
April 10, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Wasaarada caafimaadka somaliya ayaa shaacisay 9kiis oo cusub oo laga helay xanuunka coronavirus kuwasi oo dhamaantood ku sugan magaalada muqdisho.

Wasiirka wasaarada caafimaadka somaliya ayaa sheegay 9qof ee laga helay caabuqa coronavirus in lix kamid ah aanay mudooyinkii udanbeeyay wax safar ah kaga bixin dalka balse ay la kulmeen dad hore looga helay  xanuun coronavirus.

War Qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in lix kamid ah dadka qaaday xanuunkan ee maanta la xaqiijiyay ay horay ula macaamileen bukaan horay looga helay Coronavirus, sidoo kale dadka laga helay xanuunka ayaa waxaa kamid ah saraakiil ka tirsan shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya sida lagu sheegay war saxaafadeedka, taas oo wadarta guud ee shaqaalaha wasaaradda xanuunka laga helay ka dhigeysa hadda 4 ruux.

Guud ahaan dadka xanuunka laga helay Soomaaliya ayaa waxey noqonayaan 21 ruux sida Wasaaradda Caafimaadka  ku xaqiijisay warkaan ay soo saartay .

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS