Dawlada Maraykanka Oo Difaacday Weriye Harun Macruf, Kadib Markii Hanjabaadi Uga Timid Haayada Sirdoonka Somaliya Ee Nisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Difaacday Weriye Harun Macruf, Kadib Markii Hanjabaadi Uga Timid Haayada Sirdoonka Somaliya Ee Nisa.
April 5, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa difaacday suxufiga caanka ah ee Harun Macruuf kadib markii dhawaan hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ee NISA ugu hanjabtay inay tilaabo ka qaadidoonaan.

Qoraal lagusoo daabacay Twitterka safaaradda Maraykanka ayaa lagu yidhi.”  Harun Macruf waa nin xushmad leh oo xirfadyahan ah. Waana mid kamid ah suxufiyiinta ee ugu saameynta badan Soomaaliya.”

Safaaradda waxay hadalkeeda ku dartay hanjabaada NISA in ay qatar ku tahay Xoriyadda Saxaafadda iyo Warbaahinta madaxa bannaan oo aasaas u ah dimoqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

NISA ayaa ku eedeeysay weriye Harun Macruf inuu uu khatar ku yahay Amniga soomaaliya. waxayna hay’adda dowladda uga digtay inay xidhiidh la sameeyaan.

BartaTwitterka ee hay’adda NISA ayaa laga saaray qoraalka hanjabaada Harun Macruf, kadib markii ay kala kulmeen dhalleecayn xoogan oo gudaha iyo dibada ah.

HALKAN KAGA BOGO QARAALKA SAFAARADA MARAYKANKA EE MUQDISHO KASOO BAXAY;

COMMENTS
LINKS