|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Si Rasmi ah Uxidhay Isku socodka Xuduudka Ay La Wadaagto Somaliland Ee Tog Wajaale.
April 15, 2020 - Written by Editor:TOG WAJAALE(W,N)-Dawlada itoobiya ayaa maanta sirasmi ah uxidhay isku socodka xuduudka ay la wadaagto Somaliland ee tog wajaale kaasi oo gabi ahaanba la joojiyay dadkii iskaga gudbayay marka laga reebo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee cuntooyinka,khudaarta iyo qaadka, Waxaa xadka laykaga gudbe ee wajaale taagan ciidamad miliatariga fadaraalka itoobiya kuwaasi oo shacabka amar kusiiyay in aanay gudbi Karin soona gali Karin gudaha dalka itoobiya. Xidhitaanka dalka itoobiya ayaa daba socda awaamiir guud oo dalka itoobiya loogu soo rogay xaalad deg deg ah si loo kaantaroolo xanuunka sida xawliga ah ufidaya coronavirus. Lasoco wixii kasoo kordha wararka magaalo ganacsiyeedka tog wajaale iyo xidhitaanka xuduudka/ WAJAALENEWS DESK TOG WAJAALE OFFICE.
Related posts:DAAWO: Wafti Uu Hoggaaminayo Murrashax Jamaal Cali Xuseen Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada... Nasiib Darro Ayay Noqotay Inaan Maanta Waxba Layga Weydiin Gobalka Sool, Aad Iyo Aadna Waan Uga Xuma... Cali Guray Oo Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Ku Eedeeyay Shakhsi Hore U Boobay Hantidii Ummadda Ka Dh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|