Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Daahfurtay Ololaha “Muwaadin Adigoo Foojigan Ilaali Fayo-dhawrka” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Daahfurtay Ololaha “Muwaadin Adigoo Foojigan Ilaali Fayo-dhawrka”
April 12, 2020 - Written by Editor:

Hal Lu Dhiga Ololaha Wacyigalinta Gabiley “Faraxalo_Adiga_Oo_Aan_Farsaarin_Shaynaba”

Gabiley(W,N)-Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Uu Horkacayo  Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada Gabiley Ahna Duqa Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa  Daah-furey Qaab Cusub oo heer caalamiya oo Kor loogu qaadayo nadaafada bulshada si looga digtoonaada Xanuunka  Coronavirus loona xakameeyo si aanu ugusoo gudbin shacabka Somaliland ayaa daahfuray nidaam casri ah   oo nadaafada bulshada kor loogu qaadayo  lagagana wacyigalinayo iyadoo   farxal nidaamsan kana duwan, Sidii hore ee loo faraxalan jirey,

Qaabka cusub ee maamulka dawlada hoose ee gabiley Daahfuray ayaa wuxu ka gadisan yahay qaabkii hore ee Gacmaha loo dhaqijiray adigoon gacantaada aanad ku fureynin Tusaale ahaan “keebka laga furo biyaha marka la isticmaalayo”

Maayarka Magaalada Gabiley  Oo ka duulaya fulinta Awaamiirta Gudidda heer ee #Covid_19-ka iyo waliba dar-dar galinta Wacyi-galinta xiligan lagu jiro si looga samato-bixiyo dadkeena jilicdasan cudurkan Dilaaga ah.

Sidoo Kale Maayarka Degamada Gabiley Md: M-aamiin Cumar Cabdi ayaa wuxu bilaabey toobiye Cusub oo caafimaad ahaana wanaagsan, oo ay ka muuqato fayo-dhawr toolmoon maadaama aan la isticmaaleyn gacmaha hadana la farxalanayo, Gudoomiye Amiin ayaa isaga oo ku guda jira gudashada waajibaadkani ayaa waxa uu qalabkani ku wareejiyey meelaha muhiimka u ah isla markaasina u baahan in la dhigo qalabkani sida Sal-dhiga, Cisbitaalka iyo jeelka oo ay dhamaantood ku jiraan Bulsho aad u fara-badan.

Qalabkani ayaa waxaa  Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley ku wareejiyay Maareeyaha  shirkada Daabacaada casriga ah Ee Sagal-jet Cabdi Yuusuf Daahir,

Maareeyaha shirkada sagal jet ee gobolka gabiley oo iyadu Mudooyinkii udanbeeyay qayb laxaadle ka qaadanaysay ololaha Wacyigalinta ee ka hortaga coronavirus iyo bilcinta caasimada Gobolka gabiley ayaa a warbixiyay doorka shirkadu ku leedahay ka qaybqaadashada arimaha caamka ah ee dalka ka socda

Dhanka kale maayarka magaalada gabiley oo ku guda jira sii anba-qaadka qaybinta agabka halkii loogu tala-galey, ayaa bulshada fariimo muhiim ah udiray iyadoo halku dhiga ololahan iyo fariinta dawlada hoose  Hal-ku-dhigiisu ahaa   “Muwaadin Adigoo Foojigan Ilaali Fayo-dhawrka Gacmaha, Farxalo Adiga Oo Aan Curcurada Ku Furin”.

Maamulka dawlada hoose ee degmada gabiley ayaa mudooyinkii udanbeeyay maalinba maalinta ka danbaysa qaadayay talaabooyin muhiim u ah shacabka magaalada gabiley Kuwaasi oo uu ay muuqato isbadal la taaban karo oo ay dawlada hoose ee gabiley ku talaabsatay dhigay in ay wakhti xaadirkan hogaamiso golayaasha deegaanka ee gobolada Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS