“Dalalkii Reer Galbeedka Halkuu La Marayo Waynu Aragnaa, Awooddii G7 Iyo NATO Waxa Beeniyay COVID-19”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dalalkii Reer Galbeedka Halkuu La Marayo Waynu Aragnaa, Awooddii G7 Iyo NATO Waxa Beeniyay COVID-19”Cali Guray.
April 8, 2020 - Written by Editor:

COVID-19 Horta Yaad Tahay? Saw Makhluuq Uun Ma Tihid? Ilaahay Haddii Aad Taqaan Na Nabadgeli!Cali Guray

Coronavirus Intii Awood Dhaqaale Iyo Milatariga Sheeganaysay Ayuu faro Baas Ku Hayaa. Dalalkii Reer Galbeedka Halkuu la Marayo Waynu Aragnaa Awooddii G7 Iyo NATO Waxa Beeniyay COVID-19. Markaa anigu cudurkan Aayad Ilaahay awood sheegashada beenta ah ee aan tiisa ahayn ku beeninayo si ay ugu cibro qaatqqn naf yaraha wax quudhsaday ee tooda mooye tu Alleh aan talada ku darsanin ayaan baan u arkaa bal ogaada.

Anigu sidii aan hore u sheegay waxan leeyahay ha ka baqaninna COVID-19 oo ha uga baqanina sida kuwaasi ay uga baqanayaan. Inagu awood iyo karti oo dhan waxaynu wada siinay Ilaahay oo waxaynu mar kasta la soo taagnayn haddana la taaganahay لا حول ولا قوه الا

. بالله

Markaa Ilaahay waa caadil innaga sida uu u galay kuwii awoodda is mooday inoo geli maayo Insha Allah. Ha ka biqina COVID-19 ee ka baq Allaha isagu abuuray Coronavirus oo ah makhluuq ka mid ah makhluuqa Ilaahay ee aan tiro iyo cadad lagu koobi karin. Inaga lafteenna cashar baa inoogu jira oo kuwo inaga mid ah ayaa laftoodu isla booda oo awood sheegta kuwaas oo laga yaabo inay ku awood sheeganayaan mulki Alluhu u dhiibay ama maal ilaahay siiyay oo intii aan labadaa midna haysan quudhsada oo hoos u eega iyaguna cirka eega oo indhahooda iskula waynaada.

Adoomaha Ilaahay ee wanwanaagsani way ka ducaystaan inay kuwaa ka mid noqdaan oo waxay ku ducaystaan

اللهم اجعلني في عيني صغيرا وفي اعين الناس .

كبيرا

Haddii uu ina soo hoomaayo COVID-19 Ilaahay idankii inagu noqon maayo caabuq sida ay dadka qaar ku sheegaan ee Ilaahay safmar ha inooga dhigo wuu inooga dhigi oo anigu kama shaki qabo ee waan ku kalsoonahaye.

Inaga waxa ina faraan dadaal iyo Alleh bari inta karaankeenna ah. Hadii uu magaalo ku dhaco cudur faafaa inaga diinteenu inama farayso KA BAXA OO KA YAACA sida aynu axaadiith-ta rasuulka ScW ku hayno ee waad joogaysaa oo ka bixi maysid si aanad ugu faafinin adigu dhul ka bedqabay. Hadii aad dibadda ka joogtaan- ha gelina ee ka jooga ayaa la ina faray.

Xukuumadda waxan ku amaanayaa in intii karaankeeda ah ay dadaalayso. Markaa hadii ay guddida wasiirada ah ee Madaxwayne-xigeenku gudoominayo ay tahay ama dhakhaariirta iyo shaqaalaha caafimaadka tahay, iyo haddii Golayaasha Degaanada iyo Mayorro yihiinba waa in lala shaqeeyo amarada dawladdana loo hogaansamo intii karaanku yahay.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

 

COMMENTS
LINKS