Dadwayne Ku Xaniban Lowyo Cado Oo Xukuumada Jabuuti Ka Dalbaday In Ay Xadka furto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadwayne Ku Xaniban Lowyo Cado Oo Xukuumada Jabuuti Ka Dalbaday In Ay Xadka furto.
April 3, 2020 - Written by Editor:

Lowyo-Cado(W,N)-Magaalada Lowya-caddo oo ah Xadka Somaliland iyo Jabuuti Wadaagaan ayaa  waxaa ku xanniban Dadwayne tiro dad ah kuwaas oo uu saameeyay amarkii Dowladda Jabuuti ay ku xidhay xuduudaheeda,  sidoo kalena   anaay  u gudbi karin dhanka Somaliland oo iyanna xuduudda Xidhatay.

Dadkaan oo la hadlay BBC-da waxa ay sheegeen in maalmihii ina dhaafay ay ku xayiran  yihiin xadka, sidaas awgeed Dowladda Jabuuti ay ka dalbanayaan in ay u ogolaato in gudaha dalkaas ay galaan.

Waxa ay dalbadeen in Dowladda Jabuuti ay xal u raadineyso, maadaama aanay ku sugneen deegaankoodi.

Sucaad Daahir Jaamac oo kamid ah dadka xanniban waxa ay sheegtay in aanay  sahlaneyn ku noolasha magaalada Low-yacadde, maadaama bulshada halkaasi joogta  ay ku sugan yihiin xaalad feejignaan ah.

Sucaad Daahir Jaamac  iyadda oo arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi “Waxaan iminka ku suganahay muddo shan habeen ah xadka Lowyacaddo, warna ma heyno madaxda reer Jabuuti waxaan leenahay nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishaan oo aad noo timaadaan,  oo aad na aragtaan oo waxna weyddiisaa maxaad u diidan tihiin, oo inoo dhageysaneysaan”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan adkeeyay go’aanka xayiraadda iyo tan lagu joojinayo dhaq-dhaqaaqyada gudaha dalkaasi, si looga hortago faafidda Cudurka Corona oo kiisas kamid ah laga helay.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS