“Dabcan Hooyadaa Daalaa Dhacaysa Iyo Ubadkeeduba, Wixii Ay Xaqa U Lahaayeen Waxa Ka Boobay Ninkii Xilku Ka Saarnaa”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dabcan Hooyadaa Daalaa Dhacaysa Iyo Ubadkeeduba, Wixii Ay Xaqa U Lahaayeen Waxa Ka Boobay Ninkii Xilku Ka Saarnaa”Abwaan Weedhsame.
April 6, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir  Ismaaciil (weedhsame” oo kamid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa dareen damqasho leh ka bixiyay duruufaha nololeed ee ay daaladhacayaan hooyooyinka waayay iyaga iyo ubadkoodaba daryeesha ee suuqyada ka raadsada wixii ay ku noolaan lahaayeen.

Abwaan weedhsame oo Qoraal kooban ka bixiyay barnaamij laga diyaariyay hooyooyinka goob kamid ah magaalada hargaysa aroortii uyimaada shaqo si cidii ubaahani u kaxaysato in ay dharka umaydhaan ama guryaha usoo nadiifiyaan.

Abwaan weedhsame ayaa sheegay in hooyooyinkan ay dayaceen kuwii uu xilku ka saran oo iyagu dhaqaalihii umada ubadkooda iyo gawaadhi qaaliya u isticmaalay.

Abwaan weedhsame ayaa qoraal kooban oo arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Ragga kuwaas Aad Arkayso Xoolahoodii Dabaqyada Waaweyn Ka Dhistay, Gawaadhida $60,000 ahna Ku Dhex Wata, Siday Noloshu Ugu Dhadhantaa!!!!

Imika Hooyadaasi waa qof wadani ah oo xaq u lahayd inu ilmaheedu waxbarasho helo oo caafimaad helo, mana hayso, kii wasiirka ama agaasimuhu dhalayna waxbarasho dibadeed in loo diraa suurgal ah.

Maxaa kuwana dayacay kuwaasna dallacay?

Dabcan, hooyadaa daalaa dhacaysa iyo ubadkeeduba wixii ay xaqa u lahaayeen, waxa ka boobay ninkii xilku ka saarnaa, culayska nolol-maameedka ee ay la daalaa dhacysana waxa u dheer culaysyo kale oo badan.

Caddaalad la’aanta iyo sinnaan la’aanta ayaa Caydhnimada keenta.

 

COMMENTS
LINKS