DAAWO;-Xadhiga Xuduudda Wajaale Oo Saamayn Ku Yeeshay Isku Socodka Shacabka Labada Dhinac! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xadhiga Xuduudda Wajaale Oo Saamayn Ku Yeeshay Isku Socodka Shacabka Labada Dhinac!
April 17, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Laba maalmood ka hor ayay dawlada itoobiya sirasmi ah uxidhay xuduudka ay wadaagaab somalland ee magaalo ganacsiyeedka tog wajaale iyadoo la fulinayo awaamiirta lagaga hortagayo xanuunka dunida si xawliga ah ugu faafaya.

Xuduudka la xidhay ayaa saameeyay shacab ku kala dhaqan laba dhinac ee itoobiya iyo somaliland gaar ahaan dadka u kala gudba,ganacsiga iyo arimaha nolosha.

Talaabadan lagu xidhay xuduudka ayaa si gaar ah usaamaysay dadka u kala gudbayay labada kuwaasi oo hooyooyin caruutoodii sitaa labada cisho daadsan yihiin agagaar xadka labada iyagoo khuudaraynaya in mar uun lasiidaayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS