DAAWO;-Odoyaal Kasoo Jeeda Beesha Axmed Faarax Biciido Oo Ku Dhawaaqay Xaalad Dagaal Iyo Baaq Dhaqaale Ururin Ah Oo Ay Udireen Qurba Joogta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Odoyaal Kasoo Jeeda Beesha Axmed Faarax Biciido Oo Ku Dhawaaqay Xaalad Dagaal Iyo Baaq Dhaqaale Ururin Ah Oo Ay Udireen Qurba Joogta!
April 20, 2020 - Written by Editor:

SANAAG(W,N)- Odoyaal Iyo Waxgarad Katirsan beesha Axmed Faarax Biciido  Ee Muuse Abokor (habarjeclo) oo maalintii shalay  ahayd Deegaanka fadhi Gaab Dagaal ku dhexmaray Beesha Sacad Yoonis Ee Ay Wada Dagaan gobolka sanaag ayaa ku dhawaaqay abaabulka xaalad dagaal iyagoo shaaciyay gudi beesha ah oo qaabilsan ka hortaga saan saanta colaadeed ee deegaanka ka taagan iyo dhaqaale ururin.

Odoyaasha iyo waxgaradkan oo fariin udiray qurba joogta beeshooda iyo guud ahaan reer ka ayaa waxay ku wargaliyeen in ay dhaqaale deg deg ah soo ururiyaan,

Dhawaaqa kasoo yeesdhay Odayaashan ayaa Umuuqda Mid Xaalada Colaadeed Sii Hurin kara, taasi oo hadii aan xukuumadu madaxwayne biixi talaabo deg deg ah ka qaadi laga cabsi qabo in markale dagaal ka dhex qarxo beelaha walaalaha ee wada deegaanada fadhi gaab,ceel afwayn iyo deegaano kale oo kartirsan gobolka sanaag.

Dhanka kale beeshan oo ah beesha uu hormuudka dhaqan uyahay boqor buurmadow oo isagu mudooyinkii udanbeeyay warbaahinta kawaday hadalo lid ku ah jamhuuriyada Somaliland islamarkaana uhanqal taagayay wadahadalka somaliya iyo midnimo kale ayaa laga shakisan yahay in ay gacmo shisheeye ku jiraan,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS