DAAWO;-Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Oo Xogo Iskhilaafsan Kasoo Saaray Tirada Dadka Uu Haleelay Xanuunka Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Oo Xogo Iskhilaafsan Kasoo Saaray Tirada Dadka Uu Haleelay Xanuunka Coronavirus.
April 23, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Masuuliyiinta Ugu Sareeya Xukuumada Somaliland Kana Mid ah Gudida Heer Qaran Ee ka Hortaga Xanuunka Coronavirus Oo Maanta warbaahinta meelo kala Duwan kula hadlay Ayaa shaaciyay xogo iskhilaafsan oo ku Saabsan xogta rasmiga ah ee Somaliland uu haleelay xanuunka coronavirus

Agaasimaha guud Ee Wasaarada Caafimaadka Dr Xergeeye ayaa sheegay in aanay Somaliland jirin kiisas cusub oo kusoo kordhay dadka uu haleelay Xanuunka coronavirus sheegayna in lix qof oo kaliya uu haleelay halka hal qofnna uu ka bogsaday

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Saleebaan Cali Koore oo isna maanta warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in xanuunka coronavirus uu haleelay 19qof reer Somaliland, khatarna ay ku jirto somaliland taasi oo ka hor imanaysa xogtii ay shaacisay wasaarada caafimaadku oo ah lix qof oo kaliya uu haleelay xanuunka coronavirus  hal qofna uu ka bogsaday.

Hadalada kasoo kala baxay masuuliyiinta xukuumada Somaliland katirsan ayaa jahawareer ku riday shacabka Somaliland taasi oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee masuuliyiinta xukuumada sheegaan warar iskhilaafsan oo kusaabsan xaqiiqada dadka reer Somaliland ee uu haleelay xanuunka coronavirus.

HALKAN KA DAAWO HADALADA MASUULIYIINTA XUKUUMADA IYO XOGAHA ISKHILAAFSAN EE AY SHAACINAYEEN;

 

COMMENTS
LINKS