DAAWO;-Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Sifo Kale Uga Faa,iidaystay Coronavirus Iyo Baabiinta Iyo Burburin Arxandarada Ah Ee Ku Hayso Danyarta Suuqa Ku Ganacsata. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Sifo Kale Uga Faa,iidaystay Coronavirus Iyo Baabiinta Iyo Burburin Arxandarada Ah Ee Ku Hayso Danyarta Suuqa Ku Ganacsata.
April 15, 2020 - Written by Editor:

“Iyagoo Dhulkii Aanu Deganayn Iyo Hantidiiba Naga Burburiyay, Ayay Dawlada Hoose Cashuur Naga Doonaysaa”Hooyo Si Qiiro Leh Uga Hadashay Tacadiga Ay Dawlada Hoose Ku Hayso.

HARGAYSA(W,N)-Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa ayaa Maalmihii Udanbeeyay olole ay ku sheegtay in ay ku Nadiifinayso Magaalada Hargaysa Ka Fulisay Suuqyada ay ku ganacsadaan hooyooyinka danyarta kuwasi oo ay galisay cagaf Ay gabi ahaanba ku burburisay meheradaha yaryar ee ay ku Ganacsadaan Ee Agagaarka wadooyinka badhtamaha suuqa Gobonimo.

Masuuliyiinta Dawlada hoose oo uu horkacayo Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshadu Ayaa joog Teeyay Burburinta Wadhatada danyarta ah taasi oo Agaasime Khadar Yuusuf Cali Uu Ololihii ka hortaga xanuunka coronavirus uga faa,iidaysay kicinta Shacabka Danyarta Oo si arxandaro ay uladhaqmayaan.

Talaabooyinka ay dawlada hoose ee magaalada hargaysi ka wado gudaha caasimada ayaa wakhtigan umuuqda kuwo ay sidadban shacab ugu kicinayso xukuumada madaxwayne biixi Oo Iyadu Idhaha ka Qarsaday Tacadi Joogtada ee ay ku hayso Shacabka Aan Haysan Wax Dhaqaale ah oo ay ku dabaraan nolosha qoysaskooda Iyo dhawaaqa hooyooyinka ee waagii baryaba ay ku waabirisato dawlada hoose in galalafaan ganacsiga yaryar ee ay ku dabaraan noloshada qoysaskooda.

Halka aanay xataa dawlada hoose dadkanin udiyaarin meel ay degaan balse ay kaliya fuliyaan burburinta hantidooda.

Sidoo kale dawlada hoose ayaa baabiin  iyo barakicin ku fulisay kumanaan qoys oo noloshooda ku dabari jiray Iibinta,Caanaha,Khudaarta,Hilibka iyo Maqaaxiyaha Shaaha Lagu Iibiyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SIDA AY DAWLADA HOOSE ULA DHAQMAYSO SHACANKII MASUULIYADU KA SAARNAYD IYO CABASHADA HOOYOOYINKA AY BURBURISAY HANTIDOODII;

https://youtu.be/cVsRqAO6j10

COMMENTS
LINKS