|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Mucaawino Gaadhsiiyay 170 Qoys Oo Kamid Bulshada Ay Saameeyeen Fasaxa Dugsiyada Waxbarasho!
April 5, 2020 - Written by Editor:Maayarka Magaalada Gabiley Oo 24sacadood gudahooda ku fuliyay balanqaad uu usameeyay 170 Qoys oo kamid ah shacabka u sameeyay ka diyaar garowga xanuunka coronavirus, Gabiley-(W,N)-Masuuliyiinta dawlada Hoose ee Degmada Gabiley oo uu hor-kacayo Duqa Degamada Gabiley Md: Maxamed -Aamiin Cumar Cabdi , Gudoomiyaha Hay’ada Diwaanka sakada iyo Sama-falka Ee G, Gabiley Sh. Xamse Xabiib Xuseen Oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golaha degaanka degmada gabiley Ayaa mucaawino gaadhsiiyeen qoysas danyar ah oo uu saameeyey ka diyaar garowga xanuunka coronavirus, ee Covid-19-kadib markii la fasaxay dugsiyadii waxbarasho ee ay shaqadoodu ahayd iyagoo hooyooyinkani nusasaacaha ku hor iibin jirey dugsiyada.
Maamayarka magaalada gabiley oo fulinaaya balan qaadkiisii shalay ee in ay raashin uqaybin doonaan 17qoys oo kamid ah danyarta uu sameeyay fasaxa goobihii ay ku ganacsan jireen, Maamulka dawlada Hoose ee gabiley Iyaga oo dawga ay qaybinta u mareen aheyd in xaafadaha loogu geeyo Irid ilaa irid muwaacinada loo qaybinayey, Iba-furka madal ay ka bilaabayeen qaybinta hawshani ayaa waxaa ugu horeyn ka warbixiyay deeqdan Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada Gabiley Md: M-aamiin Cumar Cabdi oo yidhi maanta waxaan bilawnay maanta bixinta iyo gaadhsiinta umada dan-yarta ah ee fasuxu saameeyey waxana iska kaashanaya anaga oo maal-galinayna iyo Hay’ada Diwaanka sakada oo nala qaybinaysa nidaamkana soo samaysto.
Gurmadkan deg-deg ah ayaa ah mid lagula tacaalayo saameynta ay leedahay hakadka isku socodka iyo qayb ka mid ah Dhaqaalaha, Markaa sidaasi ayaanu intaa ula tacaamileynaa inta xaaladu ka raynayso, Sidaa waxa ku tiraabey Maayer M-aamiin Cumar Cabdi, yaguna waxa halkaa ka Hadley masuuliyiintii kale Degmada Gabiley isla markaasina ku hambalyeeyey Duqa iyo golihiisa dadaalka ay ugu jiraan samato-bixinta iyo dhoy-ogaanshaha shacabka ay masuulka u yihiin.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Daawo:Wasiir Samsam Oo Khudbad ay U Jeedisay Odayaal ay Isku Hayb Yihiin Madaxwaynaha U Duur Xushay ... DAAWO;Sooraan Iyo Jawaan Oo Riwaayad Cusub Soo Bandhigay +Fadeexadayntii Warbaahinta iyo Dhoolo Cada... DAAWO;-Waftigii Madaxwaynaha Somaliland Iyo Sidii Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Agabar Ee Gobolka Gab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|