DAAW;-Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Shaaciyay Maalinta La Soomayo Bisha Ramadaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAW;-Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Shaaciyay Maalinta La Soomayo Bisha Ramadaan.
April 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo caawa Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Caawa Ramadaan ahayn oo aan la arag Bisha, sidaas awgeedna la dhammaystirayo 30-ka bisha Shabcaan oo Khamiista ku buuxda, Jimcahana si rasmi ah loo soo mi doono maalinta koowaad ee Ramadaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu sheegay in Roobab ka da’een inta badan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo ay Culimada Wasaaraddu heegan kaga jireen, sidaas awgeedna aan bisha laga arag Somaliland iyo inta badan Dalalka Islaamka oo uu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen caawo ahaan, sidaa daraaddeedna aanay caawa oo bisha Shabcaan 30 tahay taariikhda Islaamka, oo ku beegan 23-ka bisha April, balse habeen dambe oo ku beegan 24 April ay Ramadaan koow noqon doonto oo la soomi doono haddii Illaahay idmo.

Mar Su’aal laga weydiiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, waxa laga yeelayo Salaadda Taraawiixda ee Ramadaanta laga oogo Masaajiddada iyo Cibaadada kale ee Masaajiddada lagu camiri jiray, maaddaama oo ay Ramadaan tahay bil Cibaado, horena ay Dowladdu u soo jeedisay in laga baaqsado Salaadaha Jamaca ah ee Masaajiddada la isugu yimaaddaa, si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Dunida aafeeyey ee Covid-19, taasna Dad badani ka dhego-adaygeen.

Waxa uu sheegay Wasiir Khaliil in loo baahan yahay maaddaama oo ay jirto cabsida Cudurka Corona-virus oo Somaliland lix kiis hadda maraya, inay Culimadu Dadkooda u naxariistaan oo haddii aanay daynayn Taraawiixda ay soo gaabiyaan, isla markaana waxa uu Wasiirku sii adkeeyey go’aanka ay hore u soo saareen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo uu Xubin ka yahay ee ahaa in Dadku guryohooda ku tukadaan Salaadaha ay Jamaca u tegi jireen ee Faralka ah, Taraawiixda oo Sunne ahna ay habboontay inay iyana guryohooda iskaga tukadaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS