Ciidamada Booliska Magaalada Boorama Oo Xabsiga Utaxaabay Siyaasi Maxamed Abiib Iyo Qoraaladii Ugu Danbeeyay Ee Uu Baahiyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Magaalada Boorama Oo Xabsiga Utaxaabay Siyaasi Maxamed Abiib Iyo Qoraaladii Ugu Danbeeyay Ee Uu Baahiyay!
April 14, 2020 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Ciidamada booliska magaalada boorama ayaa caawa fiidkii xabsiga utaxaabay siyaasi Maxamed Abiib oo kamid siyaasiyiinta dadayar ee gobolka awdal oo horena madaxwaynaha Somaliland ugu magacaabay komishanka xakamaynta HIV/AIDSKA kaasi oo mudo kadib uu xilka ka qaaday.

Majirto war kasoo baxay xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka awdal oo lagu faah faahiyay xadhiga siyaasi maxamed Abiib oo wakhtigan ku xidhan saldhiga magaalada boorama

Sidoo kale majiraan warar madaxbanaan oo laga helayo Ujeedada ka danbaysa xadhiga siyaasigan

Siyaasi Maxamed Abiib oo mudooyinkii danbe siwayn u dhaliili jiray siyaasada xukuumada madaxwayne biixi ayaa qoraal uu kaga falcelinayo talaabooyinka ay qaadayaan gudida ka hortaga coronavirus umagacaabay madaxwayne biixi ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga kuwaasi oo 48sacadood ee ugu danbeeyay kaga hadlay talaabooyinka gudida oo shacab reer Somaliland siwayn udhaliilayaan ficlidooda iyo qaabka ay u ilaalinayaan bukaanka ay sheegeen in laga helay xanuunka coronavirus

Laba qoraal oo uu baahiyay 48sacadood ee udanbeeyay intii aan xabsiga loo taxaabin ayaa sidan udhignaa;

“Kkkkkkkk Ma inagoo 30 jira Ayaan Waynay Ciidan Joojin Kara Qaadka Oo ku filan Ilaalinta Xuduuda Aar Sawtan jJamhuuriyadii Ay Kuwani Macno Tireen!!!14/04/2020/”Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Abiib. Kaasi oo uubaahiyay maanta galinkii hore

Sidoo kale siyaasi Maxamed Abiib Ayaa qoraal uu habeenkii xalay ku baahiyay barta uu kuleeyahay facebookga ayaa udhignaa Sidan;

“13/04/2020/ Sadexdii qof ee maanta Gudigu sheegtay in laga helay Covid19 labadi hargaysa waxay xidheen taleefanadii gudigiina waa yaaban yahay???

Gudigiina waxay garan laayiin meel ay ugu hagaagaan! Markaa waxa is waydiin leh maxaa loo marka loo fasaxay dadka inta laga shakiyay baadhistoodu maqnayd??”

Miyaanu caqliga saxdii ahayn marka baadhista la keeno uun cidii laga helana la hayo cidii laga waayana la fasaxo”

Waar nimankani woxoogu waa jilis ee maaha ka hortag dhaba

Hadaba aan la hadalno Sadexdaa muwaadin una dirno Codsi walaalayaal waxa idinla hadlaya walaalihiin shacabka Somaliland ee idinleh idinka oo u tudhaya qoyskiina iyo dadkiina fadlan kaalaya ama isku kaarantiila Guryihiina oo ka fogaada sadhaynta dadkiina” ayuu yidhi siyaasi Maxamed Abiib.

WIXII KASOO KORDHA XADHIGA SIYAASI MAXAMED ABIIB OO CAAWA FIIDKII LAGU XIDHAY MAGAALADA BOORAMA IYO CIDA KA DANBAYSA XADHIGIISA + JAWAABTA AY XUKUUMADU KA BIXISO KALA SOCO WARARKEENA DANBE.

WAJAALENEWS DESK

BOORAMA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS