Boqortooyada Sucuudiga Oo Si Ku Meel Gaadha Xariyaadii Uga Qaaday Dhoofka Xoolaha Somalida, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sucuudiga Oo Si Ku Meel Gaadha Xariyaadii Uga Qaaday Dhoofka Xoolaha Somalida,
April 19, 2020 - Written by Editor:

RIYAD(W,N)- Boqortooyada sucuudi arabiya ayaa shaacisay in ay si meel gaadh ah xayiraadii uga qaaday dhoofa xoolaha somalida oo ay hore ujoojisay,

Wasaaradda deegaanka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd Xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray Dhulka somalida Sida Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad-jiray.

”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga.

Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi.

Soomaalida ayaa caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS