|
|||||
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sacuudiga Oo War Kasoo Saartay Imaatinka Xajka Ee Sanadkan!
April 1, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Boqortooyada Sacuudiga Ayaa War kasoo saaray imaatinka xajka ee sanadkan Iyadoo dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ka codsatay in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Corona awgii ay tahay in Musliminta ay dib u dhigtaan qorshooyiinkooda Xajka. Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, ayaa sheegay in Sacuudiga ay mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan islamarkana ay u adeegaan Xujeyda, balse iminka mudnaanta la siinayo badqabka qof walba. “Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:Madaxwayne Biixi Oo Booqday Suldaan Xasan Oo Xaalad Caafimaad Ujiifa Cisbitaalka Haldoor Ee Magaalad... Halkan ka Daawo Banjaamijkii Ciida ee HCTV iyo Wacdarihii Fanaaniinta halkaasi lagu soo xulay. Xildhibaan Mubaarik Xeel Dheere Oo Soo Bandhigay Sida Xilalkii Qaranku Madaxwayne Biixi Ugu Badiyay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|