Askarigii Ugu Horeeyay Ee Katirsan Ciidamada Amisom Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Laga Helay Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askarigii Ugu Horeeyay Ee Katirsan Ciidamada Amisom Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Laga Helay Coronavirus.
April 29, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Askari ka tirsan ciidanka difaaca Uganda kana mid ah ciidanka Howlgalka midowga Afrika ee Amisom Ee ku sugan magaalada muqdisho  ayaa laga helay COVID-19 waxaana hada lagu daweynayaa dhakhtarka magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in dhibbanaha la baadhay kadib markii ay soo riteen astaamo la mid ah kuwa COVID-19.

Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda Brigadier Richard Karemir, ayaa sheegay in  tilmaamo cusub la siiyay dhammaan xeryaha AMISOM si looga hortago faafitaanka cudurka covid19.

Waa kiiskii ugu horeeyay ee Covid19 ah ee laga helay mid kamid ah askarta ciidamada Amisom eek u sugan somaliya sida uu sheegay taliyaha hawlgala ciidanka amisom Richard Karemir.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS