Aqoonyahan Jamaal C, Xuseen Oo Markale Si Xig-madaysan Uga Hadlay Hadalhaynta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Jamaal C, Xuseen Oo Markale Si Xig-madaysan Uga Hadlay Hadalhaynta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya!
April 16, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(Aqoonyahan Jamaal cali xuseen oo kamid ah haldoorka reer Somaliland horena usoo noqday murashax madaxwayne ayaa markale si farshaxannimo uga hadlay hadal haynta qaarkamid ah madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta reer somalland ee wadahalada Somaliland iyo somaliya.

Sidoo kale aqoonyahan Jamaal sheeko kusoo bandhigay sida uu yahay xaalka Somaliland ee hadal haynta wadahadalo aan meelna ka socon

Aqoonyahan Jamaal ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku Baahiyay barta uu ku leeyahay xidhidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Sheeko Ayaan Ku Xasuustay Imika Arrimahan La Wadwado Ee Wadahadladdii Somalia iyo Somaliland”Aqoonyahan Jamaal.

“Arrinkani waxa uu xasuusiyey beri ayaa nin reer miyi ahi intuu Magaaladdii soo galay isagoo halkii laga soo galayey maraya oo Aanay dad waddada marayenin ay arkeen laba nin oo tuug ahi. Waxay qorsheeyeen khidad ay ku kaxaystaan Awrkaasi uu ninku watay. Ninii oo Awrkii wata oo xadhigii uu ku hogaaminaayey gacanta ku haysta oo Awrkiina daba socdo ayaa labaddii nin ee tuugta ahaa soo daba galayaan. Isagoo ninkii Awrka watay aan arkeynin ayeey aayar Awrkii xadhiga lagu waday ka saareen oo mid ka mid ah tuugtii ayaa qoorta la soo sudhay, halka uu tuuggii kalena uu xadhig kale Awrkii ku kaxaystay.

Ninkii reer miyiga ahaa wuxuu u haystaa inuu Awrkii wato ileyn waatan uu xadhigii wax culus ku jiidayee isagoo u haysta inuu Awrkii wato. Wuxuu socdaba cabaar kolkuu tuuggii Awrka kaxaystay libdhay ayaa tuuggii kale ee xadhigu qoorta u sudhnaa is yara adkeeynayaa. Ninkii Awrka watay ayuun dib u eegaya Awrkuu moodayey inuu wato. Mise waa qof, anfariir iyo af kala qaad ayaa ninkii reer miyiga ahaa qabsanayo. Isagoo indhaha ka belef belef siinaya oo afkii kala qaaday yaab dartii ayaa tuuggii xadhiga qoorta u sudhnaa ee uu watay odhanayaa; “Waar iska soco waa Awrkaagiiyoo Ilaahay sidan u galaye” kkk. Imika waatan la wareersan yahay ee habeen iyo maalin lala soo taagan yahay wadahadaladda Somalia iyo Somaliland ee ay siyaasiyiintii iyo salaadiintii ka sheekaynayaan Ma Somalilandtii aynu niqiinay oo Ilaahay sidan u galaybaa, Yaab!!!

QORE Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen.

COMMENTS
LINKS