Xukuumadda Somaliland Oo Sedex Cisho Kadib Shacbiga Ka Tacsiyadaysay Dilkii Gudoomiyihii Maxkamadda Ee Gobolka Sool. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Sedex Cisho Kadib Shacbiga Ka Tacsiyadaysay Dilkii Gudoomiyihii Maxkamadda Ee Gobolka Sool.
March 6, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wasiirka  Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta  ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali  (Koore) Ayaa sedex Cisho kadib ka hadlay dilkii Gudoomiyhii Maxkamada Ee Gobolka sool oo qarax Gaadhigiisa lagu xidhay  lagu dilay  islamarkaana ay xukuumadu ka Aamustay iyadoon xataa ka qaybaglin Aaskii loo sameeyay wax Tacsi Ahna Udirin Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuumku.

Wasiir Saleebaan Cali koore Oo ku hadlaya magaca dawladda waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum- Xasan Sh.Maxamuud Cumar oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, oo dhawaan gacan ka xaq-darrani dishay.

Wasiirku wuxuu Marxuumka ku tilmaamay masuul ummaddiisa u adeegayey oo gacan ka xaq-darrani dishay, waxaanu EEBE uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland-na Samir iyo iimaan saaqiq ah ka siiyo.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS