|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Sedex Cisho Kadib Shacbiga Ka Tacsiyadaysay Dilkii Gudoomiyihii Maxkamadda Ee Gobolka Sool.
March 6, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) Ayaa sedex Cisho kadib ka hadlay dilkii Gudoomiyhii Maxkamada Ee Gobolka sool oo qarax Gaadhigiisa lagu xidhay lagu dilay islamarkaana ay xukuumadu ka Aamustay iyadoon xataa ka qaybaglin Aaskii loo sameeyay wax Tacsi Ahna Udirin Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuumku. Wasiir Saleebaan Cali koore Oo ku hadlaya magaca dawladda waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum- Xasan Sh.Maxamuud Cumar oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, oo dhawaan gacan ka xaq-darrani dishay. Wasiirku wuxuu Marxuumka ku tilmaamay masuul ummaddiisa u adeegayey oo gacan ka xaq-darrani dishay, waxaanu EEBE uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland-na Samir iyo iimaan saaqiq ah ka siiyo. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:DAAWO;Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ku Soo Laabtay Hargeysa Iyo Arimaho Hadheeyay Soo Noqoshadii... Halkan Akhri ;Magacyada 25 Wariye Oo Wasiirka Warfaafinta Jsl Shaqadii Iyo Musharkiiba ka Joojiyay, DAAWO; Xildhibaan Wali Xaawo Oo Naqdiyay Khudbadii Madaxwayne Muuse Biixi, Sheegayna In Aanay Cadaal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|