|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Jsl Iyo Ganacsatada Oo Isla Qaatay In La Kaydiyo Cuntada Iyo Daawada Dalka Taala.
March 15, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa sheegay inay ka tashanayeen sidii ay meel uga soo wada jeedi lahaayeen dhibta adduunka ku soo korodhay ee xannuunka Corona Virus waxa uu gudoomiyuhu xusay inay isla meel dhigeen sidii ay ganacsatadu u kaydin lahaayeen raashinka iyo daawooyinka daruuriyaadka ah ee dalka yaala. Wasiirka wasaaradda Ganacsiga,Wershahada iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga gaashaaman lahaa xannuunka CoronaVirus oo si xoogan adduunka ugu faafaya Wasiirku waxa uu Ganacsatada ku bogaadiyey hannaanka ay u kaydiyeen raashinka iyo daawooyinka dalka yaala. Wasiirka ganacsigu waxa uu intaas ku daray in Ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland ay ka wada shaqaynayaan talaabo kasta oo lagu kaydinayo Cuntada iyo daawooyinka dalka gudihiisa yaala.
Related posts:Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Sheegay In Aan La Ogalaanaynin Xoolaha Lagu Dhaqdo Gudaha Magaalada. Maxaa Iska Badalay Xuduudka Wajaale Ee Somaliland Iyo Itoobiya Wadaagaan Kadib Markii Labada Dawla... Madaxweynaha DDS oo Ka Waramay Waxyaabihii U Qabsoomay Xukuumadiisa iyo Dhibaatooyinkii Deegaanku Ku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|