|
|||||
WAJAALE NEWS
Xubnihii UCID Iyo WADDANI U Magacaabeen Komiisanka Cusub Oo Waayey Codadkii Ay Ku Ansixi Lahaayeen.
March 28, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday inay ansixiyaan Labada xubnood ee Xisbiga WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan komiishanka doorashooyinka Qaranka. Fadhi ay Maanta yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland isla-markaana ay Goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Xisbiyadu ay u soo Magacaabeen Komiishanka, ayaa Xildhibaannadu mid mid ugu gacan taageen, laakiin midna ma helin Tirada Codadkii uu ku ansixi lahaa. Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Xisbiga UCID ku matali lahaa Komiishanka ayaa waxa u codeeyay oo ogolaaday 29 Xildhibaan, waxa diiday 8 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan. Sidoo kale, Maxamuud Siciid Dalmar oo ah Xubinta uu Xisbiga WADDANI u soo Magacaabay Komiishanka waxa u codeeyay isla-markaana ogolaadya 31 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan, waxaana diiday 6 Xildhibaan. Sidaas ayay labada Xubnood kaga hadheen komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland, maaddaama oo mid walba laga rabay inuu helo 41 Cod.
Related posts:Dowladda Taagta Daran ee Soomaaliya Oo Masuuliyadda Wadahadalka Bur-buray Dusha Ka Saartay Dowladda ... War Deg Deg Ah :Cod Sir Ah Oo Laga Duubay Boqor Buurmadaw Iyo Wiil Siiraanyo Adeer Uyahay Oo Dagaal ... Hay’ad Caalimi ah oo Doonaysa inay dalka ka Hirgeliso Siyaasad ka Hor imanaysa Diinta Islaamka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|