“Waxaa Nagu Waajib Ah, In Aanu Qaadno Talaabo Kasta Oo Lagaga Hortagi Karo Cudurka Cornovirus”Madaxwayne Geele. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaa Nagu Waajib Ah, In Aanu Qaadno Talaabo Kasta Oo Lagaga Hortagi Karo Cudurka Cornovirus”Madaxwayne Geele.
March 2, 2020 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)- Xukuumada dalka jabuuti ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay sidii looga hortagi lahaa  cudurka cornoverus oo aduunka si xawli ah ugu faafay.

Madaxwaynaha dalka jabuuti Oo Ay weheliyaan raysal Wasaaraha dalka iyo Wasiiro katirsan xukuumada ayaa yeeshay kulan laga hadlayay sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka cornoverus iyagoo iskugu yeedhay Dhamaan haayadaha caalamiga ee ka hawl gala jabuuti.

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele oo kulan ka hadlay ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay qaadayaa talaabo kasta oo lagaga hortagi karto cudurkani in aanu soo galin dalka jabuuti.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS