|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Waxbarashada Jsl Oo Dugsi Waxbarasho Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Qalax Ee Koonfurta Hargaysa,
March 2, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa dhagax dhigay dugsi laga hirgalin doono deegaanka Qalax ee koonfurta Magaalada Hargeysa. Waxana wasiirka ku wehelinayey dhagax dhigaas agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradaas, ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay saraalkiil ka tirsan ciidanka qaranka oo tilmaamay in bulshada halkaasi degani ay baahi weyn u qabeen adeegyada Aasaasiga ah oo ay ka mid tahay waxbarashadu, iyagoo intaas raaciyey in dadka halkaas deggan laga soo raray xerada ciidanka ee Birjeex. Waxa kale, oo halkaas ka hadlay xubno ka kala socday wasaarradaha waxbarashada, Hawlaha guud iyo hay’adda SAVE THE CHILDREN, oo dhamaantood sheegay muhiimada uu dugsigaasi u yeelan doono bulshada deegaankaasi, iyagoo u mahad celiyey Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee dhagax dhigay dugsigaasi. Gabogabadiina waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Abokor Maxamed iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye, oo sheegay in dugsigaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hirgalin doono, isla markaasna uu buuxin doono baahida ay qabaan ubadka deegaankaas ku nooli sidii ay u heli lahaayeen waxbarashada Aasaasiga ah. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|