Wariyeyaal Shaqada Lagaga Eryay Kadib Markii Ay Sawir Ku Weerareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Iyo Xaaskiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wariyeyaal Shaqada Lagaga Eryay Kadib Markii Ay Sawir Ku Weerareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Iyo Xaaskiisa.
March 11, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)- Labo wariye oo ka hawlgala warbaahinta  dalka Itoobiya ayaa  shaqadii ay ka eriday Wakaaladda Wararka ee ay leedahay dowladda, kaddib markii ay daabaceen sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xaaskiisa oo qol hurdo iskula jira.

Sawirka oo ah mid la jarjaray, oo wajiyada Abiy Axmed iyo xaaskiisa la dul saaray dad kale, ayaa muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo dhulka jiifa isagoo buste huwan, halka xaaskiisa, Zinash Tayachew, ay saran tahay sariir agtiisa ah, iyadoo waliba dhoollacaddeyneysa.

Sawirkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalka Itoobiya, tan iyo markii la daabacay maalintii Isniinta.

Qoraal ku saabsan jadwalka doorashada oo ay wakaaladda diyaarisay ayaa lala daabacay sawirka.

Wakaaladda ayaa sawirka ka bixisay boggeeda, waxayna islamarkiiba ka bixisay raalligalin.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhacdo bisha August ee sanadkan.

Tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii, Mr Abiy ayaa hormuud u noqday isbaddal siyaasadeed oo ka curtay Itoobiya, kaasoo saameyn aad u weyn yeeshay.

Tallaabooyinkii uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu sii daayay maxaabiistii arrimaha siyaasadda u xirneyd iyo inuu xor ka dhigay warbaahinta.

Hase ahaatee shakhsiyaad ayaa lagu eedeeyay inay xorriyadda noocaas ah u adeegsadeen inay ku kiciyaan xiisado qabiil iyo fidinta warar been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanayo dowladda Mr Abiy.

Arrintan waxay horseedday in dowladda ay la timaado sharciyo cusub oo lagula tacaalayo wararka marin habaabinta ah iyo kicinta dadweynaha.

 

COMMENTS
LINKS