|
|||||
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dilkii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool Oo Galabta Lagu Dilay Laasnacood.
March 2, 2020 - Written by Editor:LAASCANOOD(W,N)- Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta lagu dilay magaalada laascaanood kadib markii gaadhigiisa loogu xidhay walxo Qarxa gudaha magaalada Laascaanood. Wararka laga helayo falka fooha xun ee lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool ayaa sheegay in walxahan oo qarax xoogan sameeyay aygabi ahaanba burburiyeen gaadhigii uu watay marxuumka wakhtigaasi oo ka xaysanayay huteelka Xamdi ee magaalada laascanood. Maamulka gobolka sool iyo maxkamada sare ee jsl ayaan wali ka hadal falkan lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool iyadoo aanay jirin cid loo qab qabtay dilka gudoomiyaha Qaraxa lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool ayaa mid noociisu ku ku cusub yahay guud ahaan Somaliland iyo gobolka sool wallow hore magaalada laascanood lagu dilay masuuliyiin kala duwan balse falkani wuxu noqonayaa mid ku cusub magaalada laascanood. Related posts:DAAWO;-"Ciyaalka Xamar Jooga Waxaan Leeyahay Somaliland Way Jirtaa Wayna Jiri Doontaa"Eng Faysal Cal... Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jsl Oo Ansixiyay Ajandaha kal-fadhiga 8Aad Ee Golaha Iyo Xeerrar Muhii... War Deg Deg Ah; Wasaarada Maaliyada Jsl Oo Si Kulul u Beenisay Wararka Sheegaya In Xuduuda Wajaale ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|