Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dilkii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool Oo Galabta Lagu Dilay Laasnacood. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dilkii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool Oo Galabta Lagu Dilay Laasnacood.
March 2, 2020 - Written by Editor:

LAASCANOOD(W,N)- Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa galabta lagu dilay magaalada laascaanood kadib markii gaadhigiisa loogu xidhay  walxo Qarxa gudaha magaalada Laascaanood.

Wararka laga helayo falka fooha xun ee lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool ayaa sheegay in walxahan oo qarax xoogan sameeyay aygabi ahaanba burburiyeen gaadhigii uu watay marxuumka wakhtigaasi oo ka xaysanayay huteelka Xamdi ee magaalada laascanood.

Maamulka gobolka sool iyo maxkamada sare ee jsl ayaan wali ka hadal falkan lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool iyadoo aanay jirin cid loo qab qabtay dilka gudoomiyaha

Qaraxa lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool ayaa mid noociisu ku  ku cusub yahay guud ahaan Somaliland iyo gobolka sool wallow hore magaalada laascanood lagu dilay masuuliyiin kala duwan balse falkani wuxu noqonayaa mid ku cusub magaalada laascanood.

COMMENTS
LINKS