Wafti Uu Hogaaminayo Maayarka Magaalada Gabiley Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada London. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaaminayo Maayarka Magaalada Gabiley Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada London.
March 5, 2020 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Wafti Uu Hogaaminayo Maayarka Magaalada Gabiley ayaa lagu soo dhaweeyay Caasimada dalka ingiriiska ee London Oo ay Safar Shaqo Ku Tageen.

Waftigan uu hogaaminayo Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa ka kooban xildhibaano katirsan golaha deegaanka gabiley iyo Berbera.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Hitro Airport kusoo Dhaweeyay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka uk iyo Masuuliyiin kale.

Waftigan ka socda golaha deegaanka gabiley oo uu horkacyo Maayar Maxame Amiin ayaa waxa ku weheliya safarkan xildhibaan Cibaado Maax iyo Xildhibaan Nimco Bucul Oo ah labada haweenka ee katirsan golaha deegaanka degmada gabiley.

Sidoo kale waxaa waftiga kamid ah xildhibaan Iid Saleebaan oo katirsan golaha deegaanka degmada berbera ee gobolka saaxil

Safarka masuuliyiinta ayaa qaadan doono mudo kaasi oo ay dalka ingiriiska ku tageen casuumad ay ka helaan Jaaliyada jsl ee dalka Uk Iyo Ururo caalami ah.

Waftigan ka socda golaha deegaanka gabiley iyo berbera ayaa kulamo la qaadan doonan jaaliyadaha reer Somaliland eek u dhqan dalka Ingiriiska kuwaasi oo ay ka warbixino ka siin doonaan waxyaabaha ay ka hirgaliyeen gobolka gabiley oo mudooyinkii udanbeeyay ku talaabsaday horumar ay shacabka reer Somaliland Gaar ahaan gobolka gabiley bogaadiyeen gudo iyo debadba , halka berberina ay safka hore kaga jirto degmooyin ay bulshadu mahadiyeen golihii ay doorteen.

Sidoo kale golaha deeganka gabiley ayaa noqday golihii deegaan ee soo kordhiya figrad lagu caawinayo dadka danyarta iyagoo sameeyay haayada diwaanka sakada dhawaana maalgalin usameeyay 400 oo qoys,

WAJAALENEWS DESK’

GABILEY OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS