Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Talaabada Ay Somaliya Ku Joojisay Duulimaadyadii Madaarka Hargaysa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Talaabada Ay Somaliya Ku Joojisay Duulimaadyadii Madaarka Hargaysa?
March 19, 2020 - Written by Editor:

Dawladda Muqdisho;“Yaakhii Haddaba Annagu Waan Kuu Rari Karnaa Hadhowse Kuuma Furi Karno”Siyaasi Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland kana tirsan xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka hadlay dhacdadii madaarka hargaysa ee maanta ay diyaaradihii soo fadhiisan lahaa amar kasoo baxay maamulka muqdisho ay dib ugaga noqdeen.

Dhanka kale Siyaasi Cali guray ayaa sobobta arinta maamulka muqdisho usahashay in ay joojiyaan duulimaadyadii madaarka hargaysa la xidhiidhiyay  go,aan khaldan oo Somaliland qaadatay kaasi oo ay ka faa,iidaysteen dawlada somaliya

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Dawladda Muqdisho waa suurtogal in xiliyada qaar ay dhibaato Caam ah sida tan maanta jirta oo kale ay joojin karto Duulimaadyada ka soo degaya Hargeysa. Balse iyada Ogolaanshaha duulimaadyada malaha haddii ay fasaxdana Waxba kama jiraan.

Dawladda Muqdisho way og tahay Bulshada Caalamku In haddii ay u raraan aanay u furi doonon. Waxa ka faa,iidaysatay dawladda Xamar gefka go’aankii Somaliland oo si qalddan u soo baxay. Go’aanka Xukuumadda Somaliland waxay ahayd in uu noqdo mid caam oo ay ku joojinayso dhamaan duulimaadyada caalamiga ah muddo xaddidan ama aan xaddidnayn.

Hadda Muqdisho waxay odhan doontaa goor ay noqotaba waanu fasaxnay. Somaliland xukuumadeedu maxay yeeli doontaa? Anigu waxan leeyahay haddii go’aankii hore ay shirkadaha diyaaraduhu ku qasbameen inay u hogaansamaan Somaliland miyay ku qasban tahay iyadu inay u hogaansanto go’aanka dambe ee Muqdisho ay ugu ogolaan doonto duulimaadyada caalamiga ahi inay ka degi karaan Madaarada Somaliland. Hadda waxa la leeyahay waxay ogolaadeen duulimaadyada Ethiopian Airline oo maanta ay ka celiyeen Madaarka Hargeysa inay ka degto. Somaliland maxaa uga yaal? Ugu yaraan miyaanay ahayn in codsi hor leh ay ku qasabto oo micnuhu yahay ogolaanshihii Muqdisho waa waxba kama jiraan.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

 

COMMENTS
LINKS