|
|||||
WAJAALE NEWS
Qofkii Saddexaad Ee Qaba Cudurka Coronavirus Oo Laga Helay Magaalada Muqdisho
March 27, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa goor-dhayd shaacisay in Soomaaliya laga helay kiiskii 3-aad ee la xidhiidha cudurka Coronavirus oo caalaamka ku haya dhibaatada xooggan. Fowsiya Abiikar Nuur oo ka hadlaysay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qof ka tirsan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku sugan Xalane laga helay cudurka. Shalay ayay aheyd markii wasaaradda caafimaadku ay shaacisay in qof qaba caabuqa Corona laga helay Muqdisho waxaana uu noqonayaa kiiskii 3-sad ee Corona oo laga helay Soomaaliya Qofkan laga helay caabuqa coronavirus ayaa kamid ah shaqaalaha UNISOM Ee ka hawlgala xarunta xalane
Related posts:Faah Faahinta Dab Ka Kacay Kaamka Barakacayaasha Ee Magaalada Caynaba Iyo Khasaaraha Uu Sobobay. Daawo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeedhay Madaxwaynaha Somali... Haweenka Xaafada Gacan Libaax Ee Magaalada Hargaysa Oo Deeq Lacag Ah Ku Wareejiyey Ciidamada Qaranka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|