Prof Cabdi Cali Oo Soo Bandhigay Laba Arimood Oo Ku Kalifay In Uu Joojiyo Dhaliishii Xukuumada Madaxwayne Biixi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Cabdi Cali Oo Soo Bandhigay Laba Arimood Oo Ku Kalifay In Uu Joojiyo Dhaliishii Xukuumada Madaxwayne Biixi!
March 28, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Prof Cabdi Cali Jaamac Agaasimihii Hore Ee Wasaarada Qorshaynta Ee Xukuumada Madaxwayne biixi oo Khilaaf Soo kala dhexgalay Madaxwayne Muuse Biixi Dartii Iskaga Casilay xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Islamarkaana Mudooyinkii Danbe Xoog Udhaliili jiray Xukuumada Somaliland Ayaa ka hadlay laba arimood oo ku kalifay in uu joojiyo Dhaliisha Xukuumada.

Sidoo kale Prof Cabdi Cali Ayaa shaaciyay Qorshaha Cusub uu wakhtigan Qaatay oo ah in  uu difaaco Jiritaanka Jamhuuriyada  Somaliland isagoo qoraal uu Arimahaasi kaga hadlayo ku Baahiyay Barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka Bulshada Ee Facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

Is Beri Yeelis!

“Anigu markii hore xukuumadda ayaan dhaliili jiray; waxa jira asbaab aan u joojiyay ama u yareeyay wax ka sheegga xukuumadda; sababta u wayni se waxay ahayd in aan arkay laba qodob:

1- in Somaliland jiritaankeedii la so weeraray.

2-in aan ogaaday in dadka igu taageera dhaliisha xukuumadda ay in badan oo ka mid ahi ay qayb ka yihiin weerarka lagu hayo jiritaanka Somaliland.

Sida caqligu ku siinayo, laba dagaal hadday ku qabsadaan mid baad xoogga saaraysaa; miyay kuu taalla in aad ka hadasho beedka xun ee digaagadu dhalayso, tiiyoo digaagadii la cunayo!

Sidaa darteed aniga oo halku-dhig ka dhiganay xadiiskii nabawiga ahaa ee odhan jiray: waxaynu ka soo noqonay Jihaadkii yaraa oo waxaynu u soo noqonay jihaadkii waynaa ayaan bilaabay in aan dagaalka wayn galo.

Haddiise dadka qaar u qaateen in laga yaabo in la i laaluushay ama la igu gunneeyo hawshan cusub, waan is beri yeeli karaa; berri laga bilaabo waan iska joojin karaa; nin kasta oo la tuhmo waxan u soo jeedin lahaa in uu joojiyo hawsha uu wado marka la eedeeyo; sidaas waa si lagu garan karo in aan qofkaa la gadan!! dee ninkii shaqo ka dhigtay ee wax ku helaa miyuu joojin karaa; car, wir!!

Nabad galyo iyo nooli kulanteed!

QALINKII PROF CABDI CALI JAAMAC; Maamul Wanaagga Iyo Ku Dhaqanka Sharciga!

COMMENTS
LINKS