Muj Daa,Uud Kheyre Kaahin Oo Xanuun Kadis Ahi Ku Haleelay Dalka Turkiga, Iyo Xaalad Gurmad La,Aan Ah Oo La Kulantey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Daa,Uud Kheyre Kaahin Oo Xanuun Kadis Ahi Ku Haleelay Dalka Turkiga, Iyo Xaalad Gurmad La,Aan Ah Oo La Kulantey!
March 27, 2020 - Written by Editor:

ISTABUL(WJN)-Lataliyihii hore Ee Madaxweyne Siilaanyo dhinaca Arimaha Siyaasada Siyaasi Daa,uud Kheyre Kaahin ayaa Xaalad Caafimaad oo Deg deg ahi kusoo Waajahdey dalkaasi Turkiga kadib markii uu dhawaan halkaa Geeyay Xaaskiisa oo Xaalad Caafimaad u Tagtay.

Xanuun kusoo booda ahi ku haleelay Dalkaasi turkiga, iyadoo uu Hadda yaalo Cusbitaal kuyaala Dalkaasi, inkastoo aanu Xaalad Caafimaad u tagin, islamarkaana, ku tagalkiisu ahaa in uu baadhis kooban Soo mariyo Xaaskiisa haddana Xaaladan Caafimaad ee lasoo Daristey Mujaahid Daa,uud Kheyre Kaahin ayaa, ah mid uu Gurmad uga baahan yahey Dalkiisa iyo Dadkiisaba.

Mujaahid Daa,uud Kheyre Kaahin oo kamid ah Aqoonyahankii Naftood Hurayaasha ahaa ee kasoo Qeyb qaatey Halgankii SNM Waxa uu Ururkii SNM iyo Somalilandba kasoo Qabtey Xilal kala Duwan, isagoo ugu dambeyntii ahaa Lataliyaha Dhinaca Siyaasada ee Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, oo ay Mudo dheer xulafo ku ahaayeen Halgankii SNM iyo Bilawgii Xisbiga Kulmiye labadaba, Sidaa Darteedna, Waxa ay Ehelada Mujaahidku la Socodsiinayaan Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi, in uu ka War Hello Mujaahid Daa,uud Kheyre iyo Sida looga Deyrinayo Xaaladiisa Caafimaad.

Sidoo kale Muj Da,uud khayre ayaa kamid ahaa macalimiintii mudada dheer wax kasoo dhigay dhulka Somaliland isagoo soo saaray aqoonyahan badan oo dalka iyo dibada ku sugan wakhtigan qaarkoodna kamid yihiin masuuliyiin xilal kala duwan ka haya Somaliland wakhtiga

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS