|
|||||
WAJAALE NEWS
Muj Cabdi Ismaaciil Oo Ka Hadlay Marxaladihii Usoo Maray Dhulka Ina Xasan Dalab Ee Wakhtigan Xukuumada Xooga Kaga Qaaday Iyo Damaca Madaxwayne Biixi!
March 25, 2020 - Written by Editor:LONDON(W,N)-Mujaahid Cabdi Ismaaciil Oo kamid Qoyska Maxamed Xasan Dalab Ee dhul ay ku lahaayeen galbeedka Magaalada hargaysa Ay Xukuumada Madaxwayne Biixi xooga kaga qaaday iyadoo Aan loo soo marin Sifo Sharciga waafaqsan. Sidoo kale Muj Cabdi Ismaaciil ayaa banaanka keenay Damaca madaxwaynuhu ka leeyahay dhulkooda iyo Marxaladihii uu soo maray dacwada dhulkan oo ay hore ugu haysteen shakhsiyaad kamid ah qoyska hoose ee madaxwayne muuse biixi. Dhanka kale Muj Cabdi Ismaaciil ayaa sheegtay in dhulkoodan uu madaxwaynuhu doonayo in uu isagu ka qaato balse aanay jirin wax madaxtooyo ah oo qaranka looga dhisayo. Muj Cabdi Ismaaciil ayaa isbarbar dhigay qaabka uu dhulka ina xasan dalab ku qaatay iyo sida uu xooga ugu fushanayo dhulka uu madaxwaynuhu leeyahay qoyskayga ayaa lahaa oo dadkii deganaa xoog ciidan lagaga rarayo kuwaasi oo ay degan yihiin boqolaal qoys kana dhisan yihiin guryo nooc walba leh. HALKAN KA DHAGAYSO WARKA MUJ CABDI ISMAACIIL OO FAAH FAAHSAN; Related posts:Guddoomiyaha Xusbiga Waddani oo Xukumada ku Canaantay in ay ka Gaabisay in Waddamada Reer Galbeedka ... Daawo:Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Oo Sheegay Inay Sameyn Doonaan Baadhitaano Lagula Dag... Taliye ku-xigeenkii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya oo laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidanka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|